WAA KUMA XILDHIBAAN CALI MAREEXAAN ,

WAA KUMA XILDHIBAAN CALI MAREEXAAN ,
ali
 
Awr gool ah oo gool ah oo gaadda balaxoobay iyo nirigga gooraan jaqaaa geel ka laba awr.
Gu’ ka siman galoolkiyo cayadu waana laba geed.
Sida dadka midabkooda Eebbe u kala duway ayaa  aqoontooda iyo kartdoodaba uu u kala duway.  Taasi waa sababta keenta in laba qof oo ka siman wax kasta oo laba qof wadaagi karaan haddana ay u kala dheereeyaan, oo midna  fadhiid ama la’aad u noqdo kan kalena uu u noqdo mid ka soo mudha bulshada.  Haddaba qormadaydan yari waxay  daba socotaa maqaal ku soo baxay websiteka Waaheen. Maqaalkaasi waxaa lagu aflagaadeeyey, sharaftiisa iyo karaamdiisana meel lagaga dhacay Xildhibaan Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan).
 Cali mareexaan isku hayb ma nihin xidhiidh kalena nagama dhexeeyo, imana yaqaano, anigana waxaa i baray waxqabadkiisa ; waxaanse ka adkaysan waayey gefka lagulakacay waana mid qof kasta oo damiir lihi ka damqado marka isaga iyo kuwa la mid ka ah meel lagaga dhaco.
 Cali wuxuu ka mid yahay xildhibaanada  –hadaanu ahayn ka-  ugu da’da yar golaha wakiilada. Waxa kale oo igu maaqaalo ah inuu yahay xildhibaanka ugu da’da yar beesha uu ka soo jeedo ee golaha kaga jira. Iyada oo taasi ay jirto ayuu noqday shakhsiga ugu wax qabadka badan xildhibaanidii laga soo doortay Gobolka Togdheer.  Inkastoo aan lagu soo koobi karin wax qabadkiisa maqaal iyo laba waxaan ka xusi karnaa , degmada Qoryaale oo uu ku caawiyey gaadhigii ugu horeeyey uu yeeshao saldhigga poloska ee degmadaasi. Si taas la mid ah wuxuu ku caawiyey gaadhi 4×4 ah degmada Dhoqoshay oo in badan dayac ka haystay xagga gaadiidka kuna taal degaan raf ah.
Wuxuu ka fuliyey dhismayaal isugu jira xafiisyo iyo goobo loogu adeego bulshada degmooyinka Warcimraan iyo Qorulugud.  Marka uu hawshaas balaadha ee baaxaddaas leh uu ku jiro, degmooyinkaasi maaha kuwii laga soo doortay isaga, ku darsoo xildhibaanadii laga soo doortay waxay la fadhiyaan golaha waanay arkaan. Iska daa inay wax u qabtaane xataa dib intay ugu noqdeen waad mahadsantihiin kumay odhan dadkii soo doortay qarkood. Gu ka siman galoolkiyo cayadu waana laba geed. Xildhibaankiiasturay waxay ugu abaal gudeen xin  iyo xaaasidnimo isku huursan oo ay  meelahaa la dhus -dhus leeyaan  marna goobaha barjaha ibriiqa kaga soo addimaan.
Raggu guudka waysaga eg yahay goyn- se kala roon.
Ma gudboona geesiga hantiyo gocorka caayaa.
Xildhibaan Cali wuxuu kamid yahay kawaadirta iyo dhidibada uu xisbiga Kulmiye ku taagan yahay khilaafaad badan oo xisbiga dhexdiisa ahna maareeyey, sameeyeyna isku soodhaweyn badan dhinacyada kulmiye ee kala afkaarta duwan. (نابقا اقرانه بين من اصبح). Wuxuu fahamsan yahay macnaha xildhibaan oo ah qof xilka saarani dhibayo isla marahaantaana gudaya xilkaas waana ta keentay inuu marba guruubadii is hayey u kala dab qaado si uu isugu soo dhaweeyo. Malaa waxay jeclaan lahaayeen inuu labada guruub mid la safto oo sidaa marya dhiigle lagu kala furto raggii soo wada halgamayna lafo timreed isku tuuraan, sidaana lagu kala yaaco.
Waaheen wuxuu Cali ku eedeeyey in munaafaqaddii uu kula dhex jiray Kulmiyey iminka la  ogaaday, oo weliba siilaanyo ogaaday oo iska fogeeyey. Taasi waxay beenawday markii guddidii ugu horeysay ee uu u saaray khilaafka xisbiga uu isaga uga dhigay xoghayn. Taasina waxay ku tusaysaa kalsoonida uu ku qabo. Waxaan leeyahay kuwa maqaalkaas dabada ka riixayaa iska daa Cali laftiisa ee kabihiisa ma gaadhaan.
Awr gool ah oo gool ah oo gaadda alaxoobay iyo nirigga gooraan jaqaa geel ka laba awr.
 
Axmed D. Omar