Waa Maanso La Magac Baxday Dube oo uu Curiyay Sacad Cali Kahin Raamalay

0

Maasadan waxaa Tiriyay Abwaan Sacad cali kaahin Raamalay [SACAD PLUCKY]
Waxaanay Kamid Tahay Maansadu Silsiladii Garbo-diir ee uu Bilaabay Abwaan Axamed Aw Geedi

Maansadan DUBE Waxay Soo Baxaday 23/01/014
Waxanay Ku Bilaabatay Sidan Laso-cosho Wacan

Duufaankan -kacay-iyo odayaw
Dabayluhu-waa-dir-isma-dhaantiyo
Bulsho-Ulasho-Darranihi
Danbarkay haleeshee
Haka daahin heestee
Ku daloolo awllaxa
Dulmigiyo xumaantoo
Darran doorri maansadda

Sawtan lays daliigee ayax diir
Xambaarsani dam kasiiyay saacii

Sawkan duburlax oommani dadkii
Dhuugay maahee sharcigii ladaayacay

Ruuxaan debiba gelin
Sawtan duubcas loodiree
Loogu daatay aqalkiis

Sawtan lays duduucee
Ruuxii dibnaha furra
Loo diiday shaqadii

Duf ku bexe munaafaqu
Afka erray ka daacada
Uurka wuu ku dedayaa
Dekediyo garoonkii
Sawtanay dilaaleen
Dar xumaan la jaalihi

Sawkan laba daryaalii
Dhexda uu ka daacee
Dhigtii udubkii dacal maray

Sawkan faraskii doolaal
Weedhsamaw la doorshee
lagu daray dameeraa

Sawkan daan cirooluu
Darkii ceelka shubayee
Ku hungawday duunyadu

Sawkan dirdiraaliyo
Daacuun siyaasiyi
Dadka inuu u wacanyahay
Dalmaraw usheegtee
Dunidii is wadda sudhay

Wixii aan dedaal galay
Sawtan dibiga keentee
Ka durduurro igu tidhi
Dabar go.a-iyo le.ashada

Sawtan habar dugaag-iyo
Mid kadaran itdhi hoo

Sawtan dihatay eexdiyo
Dulmigi-yo xumaantee
Daaduuntay taladii

Darran baan u haystee
Sawtan ciinka daaqdee
Daawad qaaday dhugatada

Sawtan daabad boobaw
Lamma dego ku fooftee
Ku xerootay degel baas

Sawkan dammalkii waynaa
Hadh dacaarka yeeshee
Caleemii ka daateen

Danyarta iyo maatida
Sawtan diiftu haysee
Dab la wayday dherigee
Diihaalku tamar galay

Sawtan dulundulcaysee
Jar ka duushay xaajadu

Sawtan doobir beeshee
Ku durdurisay maqashii

Sawkan xumuhu doobyee
Doonyaystay kibirkuna

Sawtan horuumar diidee
Dib usocotay nuuxaw

Sawtan dakharadii hore
Doogtoodi kicisee diiqday
Nabaradii jiray

Sawtan ay dadnimadii
Doc deedii banaantahay

Sawtan aan dulqaad iyo
Dawladnimo shaqaynayn

Sawkan kii dad hagilaa
Dunjigii xoriyadiyo
Wixii loo dagaalamay
Isna dooni jiray berri
Deelqaaf u qaatee
Diidmada ku yidhi maya

Meel baas durdrisee
Dalmaraw daliilkiyo
Anna deelka maansada
aan ku soo dabaalee
Dube weeye arartuye
Duco waxay kuleedahay

Daayinaw allahayaw
Ilmahaa damiinkaa
Dirasahada xagayganna
Dab-aan igu dhejinahayn
Daayinaw allahayaw
Midkaa socod ka diinkaa
Daayinaw allahayaw
Midkaa duunka hoosiyo
Dalqadaba ka cadaw-gaa
Midkaa diinta faasaxay
Anna dayra-dayga ah
Duf ku baxe habaarkaa
Goblan kumaan ducaysane
Dar ka wacan isiiyoo ii doorri
Waynaw

Dube weeye maansadu
Duco waxay ku leedahay
Mid bulshada u daran iyo
Rabiyaw damiin iyo darti-yo
Kud iyo caal dib hanoogu
Soo celin

Dube weeye maansadu
Anna yaanan daaq gayn
Dalmaraw ujeedadda
Ina geedi daymada
Geel foof ka daalacay
Wixii jiray degaankoo
Wuu damqaday abwaanku-ye
Anna daahi maayee
Darba-dayda cuudkaay
Dabaylaha dhex qaadoo
Dal daluun halkaan rabo
Dulmigana xambaaree
Ayaxa iyo diirtanna
Meel darran ukal didi
Dube weeye maansadu

by sacad cali kaahin raamalay [sacad plucky]