War Deg Deg Ah. Weerar Ismiidaamin ah oo lagu qaaday Hotelka Jaziira ee Magaalada Muqdisho.

Jaziira

Wararka ka imanaaya  Hoteelka Jaziira oo kuyaala agagaarka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in mar kale lagu qaaday Weerar Ismiidaamiin ah.

Qarax Ismiidaamin ah oo si weyn looga maqlay inta badan Magaalada Muqdisho ayaa mar kale laga maqlay Hoteelka Jaziira kaas oo lagu soo waramayo in uu qarxay gaadhi  waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo yaalay afaafka hore ee Hotelka .

Qaraxa labaad ayaakusoo beegmaya xili Daqiiqado kahor isna qarax loo adeegsaday Gaadhi laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa lagu weeraray iridka Hore ee Hoteelka Jaziira iyadoona xiligaa kadib la maqlay Rasaas xoogan ay rideen ilaalada Hoteelka iyo Ciidamo katirsan Dowlada.


Wali si rasmi ah looma oga khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay Qaraxyada xoogan ee caawa lagu weeraray Hoteelka Jaziira ee Magaalada Muqdisho oo kamid ah Hoteelada ugu amaanka badan Magalaada Muqdisho kuna yaala goob amaankiisa aad loo adkeeyo.

Salaanmedia/Mogdisho