WAR DEG DEG: Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo la doortay

image

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa maanta doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaasi, kadib doorasho ka dhacday aqalka Baarlamaanka Puntland.

Waxaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Puntland loo doortay inuu noqdo Siciid Shire Xasan oo Wareegii ugu dambeeyay ay isugu soo hareen isaga iyo Cabdi rashiid Maxamed Xirsi.

Siciid Xasan Shire ayaa helay 40-cod halka Cabdi rashiid Maxamed Xersi uu helay 26, taasi oo Siciid Xasan Shire ka dhigeysa inuu noqday Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Puntland.

1. Xil. Sicid Xasan Shire 40 cod
2. Xil. Cabdirashid Maxamad Xirsi 26 cod

Xil. Siciid Xasan Shire ayaa horay u ahaa Wasiirkii Xanaanada Xoolaha ee Xukuumadda Cabdiraxman Sh. Maxamad Farole, Madaxweynaha iminka talada Puntland haya.

Salaanmedia/Mogdisho