Wargalin Muhiim ah, Buuga Diiwaanka Maansooyinka Iyo Taariikh Nololeedkii Mujaahid/Abwaan Abdi Iidaan Faarah.

Wargalin Muhiim ah, Buuga Diiwaanka Maansooyinka Iyo Taariikh Nololeedkii Mujaahid/Abwaan Abdi Iidaan Faarah.

Hargeysa(Ramaas) Jan.31, 2014-Ilaahay mahadi ha ka gaadhee waxa soo gabogaboobay wajiga hore ee ururinta taariikhda nololeedkii iyo suugaantii Alle ha unaxariistee Mujaahid abwaan Abdi Iidan Faarah, taariikh suugaaneedka Abwaan Abdi Iidaan oo aynu ka soo saari doono buug dhaxal gal ah, si aynu ugu raaxaysano suugaantii iyo midhihii uu inooga tagay abwaanku.  

Buuga diiwaanka suugaanta Abwaan Abdi Iidan oo muddo ku siman hal sanno iyo badh ay gacan ta ku hayeen dhalinyaro mutadawiciin ah oo isu xil saartay inay badbaadiyaan suugaanta hal muceedka ah ee abwaanka taasi oo ku duugan laabaha maanse yahanada iyo bulshada soomaaliyeed ba, waxa lala kulmay dadyow doora oo abwaanku la qaatay noloshiisii halgamaa iyo dhaqmeedba.

Waxa aanu ka xunahay inaanu gaadhi kari waynay dad badan oo xogo muhim ah ka haya abwaanka in badan oo ka mid ahina way geeri noqdeen. hadaba waxaanu si naxariisle uga codsanaynaa dhamaan bulshawaynta reer Somaliland iyo guud ahaanba bulsho waynta ku hadasha afka somaliga iyo cid kasta oo ay abwaanka is gaadheen, wada shaqeeyeen soo wada dhaqmeen ama haysa heesihii, gabayadii, geeraaradii, riwaayadihii iyo taariikh nololeedkiisaba, qoraal ha ku hayeen ama xusuustoodee inay la soo xidhiidhaan cinwaanada hoos ku qoran.

 

Sidoo kale waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa liiska gabayada ee aanu ka hayno Abwaan Abdi Iidan Farah.

 

1 Sidaa ma igu amini
2 Diiday hay odhan
3 Calansaar
4 Maandeeq
5 Xornimo
6 Maykal
7 Xeebaha jabuuti
8 Dhib la’aan mala dhergaa
9 Tigaalo
10 Qushi socod
11 Duruunow
12 Dibnahayga yaa ila leh
13 Nama taqaanaan
14 Koonfur kuma dhaato
15 Bixiso weeyaan
16 Waxaan qabaninsow maaha
17 Bir ma gaydo
18 Miimlay
19 Awrka dooh malagu yidhi
20 Daad wararac
21 Shiinlay
22 Ina qarshe
23 Arji
24 Kol hadii miciinoow la yidhi
25 Kubka heermay
26 Diyaaradaha
27 Awrka
28 Dameerka

 

Cudurdaar: waxaa jiro dadbadan oo magacyo kala duwan u yaqaana gabayada abwaanka sidaa darteed fadlan noo soo dir liiska gabayada aad ka hayso abwaan Abdi Iidan Farah.

 

La soo xidhiidh fadlan cinwaanadan:

Doogsi Youth Organization

Ibrahim Ali Hassan 

Cell: +252 (63) 4428460

Ibraahin4@hotmail.com

 

Mohamed Hussein Harun

Cell: +252 (63) 4118176

mxharun@gmail.com

– See more at: http://ramaasnews.com/index.php/News/Wargalin-Muhiim-ah-Buuga-Diiwaanka-Maansooyinka-Iyo-Taariikh-Nololeedkii-Mujaahid/Abwaan-Abdi-Iidaan-Faarah.html#sthash.tSSN7pkf.dpuf