WARSAXAFADEED XISBIGA UCID LAANTA UK…Waxaan Halkan Ku Beeninaynaa War Been-Abuur Ah Oo Ay Warbaahinta Qaarkood soo dabaceen….

JAMHUURIYADDA SOMALILAND   REPUBLIC OF SOMALILAND

ucid

       Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka    UCID           

Justice and Welfare Party

حزب العداله والرأفة

LAANTA UK

 

Waxaan Halkan Ku Beeninaynaa War Been-Abuur Ah Oo Ay  Warbaahinta Qaarkood Galiyeen  Koox Isku Sheegay In Ay Ka Tirsanyihiin Xisbiga UCID Laanta UK (North London) Waqooyiga London ee Dalka UK:

 

Waxaan halkan ka salaamayaa dhammaan Warbaahinta Madaxa Banaan ee Somaliland, waxaa kale oo aan salaamayaa shacbiweynaha reer Somaliland iyo Taageerayaasha Xisbiga UCID ee Dunida Daafaheeda ku nool:

 

Waxaa arrin layaab ah nagu noqotay markii aanu maanta oo ay taariikhdu tahay 29/01/2014 aanu warbaahinta Somaliland qaarkood  ku aragnay koox sheegtay inay ka tirsanyihiin Xisbiga UCID  laantiisa UK, qaasatan laanta (North London) Waqooyiga London, kooxdan oo nagu cusub oo aan jirin, taytalo been ahna isku magacaabay,  qoraalkoodana ku sheegay in ay iska casileen xilalkii ay u hayeen Xisbiga,  iyagoo markaa eedaynaya masuuliyiinta sare ee xisbiga UCID iyo laanta UK.

Hadaba anigoo ku hadlaya Afka Xisbiga UCID ee laanta UK waxaanu halkan ku cadaynaynaa in ay san jirin cid xisbiga iska casishay oo ah xubnihii layaqaanay ee xisbiga ka midka ahaa,

Waxaan jeclahay in aan xasuusiyo dhammaan taageerayaasha Xisbiga UCID ee Laanta UK in Xisbiga UCID uu ku socdo dagaal xaga barabogaandhada ah oo la doonayo  in xisbiga laga fidiyo dacaayado riqiis ah, dagaalkaa iyo  barabogaandhadaa waxaa wada xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Siilaanyo, sababtuna waxa weeye markii masuuliyiinta sarsare ee Xisbiga UCID qaasatan Mud. Guddoomiye Faysal Cali Xuseen iyo Musharaxa  Madaxweyne ee Aqoonyahan  Jamaal Cali Xuseen ay ka horyimaadeen Dulmiga, Musuqmaasuqa, Qabyaalada Qaawan iyo Siyaasad Xumida Xukuumada Siilaanyo, shacabka reer Somalilandna u soo bandhigeen qaladaadka jira ee ay xukuumadani wado, nasiib daro halkii xukuumadu qaladaadkeeda ka saxi lahayd waxay cadow u aragtay Xisbiga UCID, waxayna hadh iyo habeenba ku  mashquulsantahay  sidii ay Xisbiga UCID ugu maleegi lahayd Shirqoolo lagu fashilinayo Karaamada Xisbiga. Xakuumadu waxay ku kharashgareysaa hanti aad iyo aad u badan inay kolba koox dhabarka soo taabato, kooxdana waxay ka mid yihiin weji ku macaashka qurbejoogta beryahan danbe soo baxay.

 

Sidaa darteed, Taageerayaasha Xisbiga UCID  ee Dunida Daafaheeda Ku nool iyo qaasatan kuwa  UK waxaan la socodsiinaynaa in ay  la socdaan shirqoolada xisbigooda loo maleegayo,  waxaa nasiib wanaag ah in Xisbiga UCID Siyaasadiisu tahay in horay loo socdo lagana midha dhaliyo hamigaynii ahaa in aynu  ku guulaysano Doorashada Madaxweyne ee sannadka 2015 taasoo inoo sahlaysa in aynu wax ka qabano mushkiladaha  haysta shacabka  reer Somaliland, taasoo iminkaba aad arkaysaan ifafaalaheedii ugu horeeyey  ee ku soo biirista  taageerayaasha miisaanka leh ee maalintii dhawayd inagu soo biiray arrintaas shacabka reer Somaliland aad ayey usoo dhaweeyeen, anigoo ku hadlaya afka masuuliyiinta laanta UK waxaan taageerayaasha Xisbiga UCID  kula dardaarmayaa in aan la eegin xagxagashada Xukuumadan ee aynu horay u socono si aynu u gaadhno taargadkeena oo ah Qaranimo aasaaskeedu yahay  Cadaalad iyo Daryeel.

 

 

 

Mr.  ABDIQADIR MOHAMED ABDILAHI (CUKAASHE)

 

XOGHAYAHA XIDHIIDHKA DADWEYNAHA IYO SAXAAFADDA

 EE XISBIGA UCID LAANTA UK

 

warfaa_101@hotmail.co.uk