Wasaarada Duulista iyo Hawada Somaliland Oo Faah-faahisay Madaarka Laascaanood Oo Diyaaradi Fadhiisatay

January 30th, 2014 

SADAAM

Laascaanood (SM) Wasaaradda Duulista Hawadda iyo Gadiidka Cirka Somaliland ayaa faahfaahin ka bixisay Diyaarad siday alaabo ganacsi oo maanta fadhiisatay Madaarka magaalada Laascaanood oo mudo xidhnaa.

Arrintaasi ayaa waxa lagu sharaxay War saxaafadeed oo uu maanta soo saaray Afhayeenka Wasaaraddaasi Md. Saddaam Maxamed Axmed, kaas oo isagoo dhamays tiran u dhignaa sidan:-

“ Wasaaradda Duulista Hawadda iyo Gadiidka Cirka Jamhuuriyada Somaliland waxa ay shaacinaysaa in maanta Madaarka Magaalo madaxda Gobolka Sool ee Laascaanood ay caga dhigatay diyaarad siday Alaabo ganacsi.

Madaarka Laascaanood oo aanay wax Diyaarad ahi adeegsan mudo dheer, sababo la xidhiidha isaga oo aan mudo waxa dayac tir ah lagu samayn, ayey Wasaaradda Duulistu dhawaan dayac tir ku samaysay Madaarka iyada oo la kaashanaysa Ganacsade deegaanka ah, arintaasi oo suuro galisay inay maanta Madaarka Laascaanood caga dhigato diyaarad ay leedahay shirkadda Sky ward Airlines.

Diyaaradan oo ka timid dalka Kenya oo ah nooca loo yaqaan (Fokker 50), ayaa siday Qaad dhan 6 tan (Lix Tan), waxana sida qorshuhu yahay ay Todobaadkii Madaarka imdan doonta muddo laba cisho ah.

Wasaaradda Duulista Hawadda iyo Gadiidka Cirka ayaa mudo waday dib habayn lagu sameynaysay garoomada diyaaraddaha ee dalka, iyada oo ujeedadeedu tahay in la xoojiyo is ku xidhnaanta dalka, isu socodka bulshada, iyo kobcinta dhaqaaalha Somaliland.
Duulimaadyada ka bilaabmay Madaarka Laascaanood ayaa waxa uu fure u noqon doonaa kor u qaadista ganacsiga iyo kobcinta dhaqaalaha Gobolka Sool oo Xukuumadda Somaliland ay horumarintiisa mudnaan gaar ah siinayso.”

Salaanmedia/Hargeysa