Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Sheegay Inay Hargeysa Soo Gaadheen Engineero Itoobiyaan Ah Oo Qaabilsan Qurxinta Caasimadaha

Daawo Muqaal:Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali M Warancade oo Airportka Heathrow ee London warbaahinta kula hadlay,Kana hadla yarimo badan, isaga oo kusoo jeeda Somaliland

 

 

 

 

 

 

Jan 29,2014 Hargeysa(SM)-Wasiirka Arrimaha Gudaha somaliland oo sheegay inay Hargeysa soo gaadheen khabiirro Itoobiyaan ah oo samayn doona qaabka loo qurxin doono Caasimadda Hargeysa

Wasiirka Arrimaha Gudaha somaliland Cali Maxamed Waran Cadde, ayaa sheegay inay Hargeysa soo gaadheen khabiirro Itoobiyaan ah oo samayn doona qaabka loo qurxin doono Caasimadda Hargeysa.

Cali Waran cadde oo maanta saxaafadda kula hadlayey golaha wakiillada oo uu ku sugnaa, ayaa waxa kale oo uu sheegay inuu ku wareejin doono khabiiraddaasi Maayirka Hargeysa si ay u billaabaan qaabka loo qurxinayo Hargeysa.

Wasiirka Arrimaha Gudaha somaliland Cali Maxamed Waran Cadde, ayaa waxa kale oo uu sheegay inay soo socdaan dhirtii loogu talo galay in lagu beero gudaha Hargeysa, taas oo uu hore u amray in magaalooyin ka dalka la qurxiyo.

“Waxa dalka soo gaadhay Engineero Itoobiyaan ah oo samayn doona qaabka loo qurxinayo caasimadda hargeysa, waxaanan ku wareegin doonaa maayirka Hargeysa si ay shaqada u billaabaan, dhirtii lagu beeri lahaana way soo socotaa oo dhowaan ayey imanaysaa”

Cali waran cadde waxa kale oo uu sheegay inay shirkadaha Laydhadhka iyo kuwa telefoonadu wadaan sidii ay dhulka hoostiisa u marin lahaayeen xadhkaha ay biraha ku xidhaan, kuwaas oo bilic xumo ku keenay magaaladda.

Salaanmedia/Hargeysa