Wasiirka Beeraha Oo Iyo Ujeedada Kormeerkiisa Deegaamadda Xeebaha Saaxil

Wasiirka Beeraha Oo Iyo Ujeedada Kormeerkiisa Deegaamadda Xeebaha Saaxil

January 28th, 2014 

download

Hargeysa (SM)- Wefti uu hogaaminayo Wasiirka wasaaradda Beeraha Prof. Faarax Cilmi Geedoole iyo wefti uu hogaaminayo ayaa gaadhay deegaano ka tirsan xeebaha Gobolka Saaxil.

weftiga oo ka kooban mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradaha Beeraha iyo Hay’adda G I Z ayaa Ujeedada Socdaalkoodu tahay sidii dalaga timirta loogu beeri lahaa deegaanadaasi.

Weftiga oo maanta ku sugan tuulada Beeyo-Dhaadheer, Ramlo,Burco Kibir iyo deegaanada ku xeeran oo ka tirsan degmada Berbera ee Gobolka Saaxil ayaa kulamo kala duwan la yeeshay dadweynaha deeganadaasi halka sidoo kalena la calaamadiyey deegaanadii laga beeri lahaa dalaga timirta.

Wasiirka Beeraha oo khadka taleefoonka ugu waramayey Wakaalada wararka ee Somaliland ayaa sheegay in isaga iyo mas’uuliyiinta kale ay ku wargeliyeen dadweynaha deegaankaasi in dhowaan laga beeri doono halkaasi isla markaana ay yihiin dhul ku wanaagsan beerista timirta.

Salaanmedia/Hargeysa