Wasiirka Cadaani Muxuu Udhimay Burco.

Wasiirka Cadaani Muxuu Udhimay Burco.   

Daawo Muqaal…Wasiirul Dawlaha Maaliyada Somaliland Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani) muxuu ka yidhi Dhalinyarada Somaliland?    

Maalin dhoweyd oo ahayd todobaadkan horaantiisii  goor aan qooraansadey websiteyada mid ka mid ah, waxan ku arkay nin ladagaalansan Wasiirka mudane Cabdilaahi Cismaan Saxardiid, ninkani wuxuu tilmaamayaa hadalo uu wasiirku dhowaantan mar uu booqday ka yidhi magalada Burco, inuu cid wax ugu dhimay, laakiin waxaan filayaa waa siduu isagu u fahmey, Wasiirku wuxuu soojeediyey in dadka Burco dhibatada khaska ka oogaya la xidh xidho, waa run taasi waa tan keliya xal lagu gaadhi karo dhibatana lagaga begsan karo.

Waana shaqada masuliyada Dawladda, Burcona in dhibaatada lagadaayo ayaa loobahan yahay si ay danta guud laysaga kaashado, waayo cida qaskan ka dambeysaa reer Buco maaha ee dadkani waa kuwa kusoo caanamaalay in beelaha Burco dega leyska horkeeno si foodka maalinlaha looga marsado waxay isticmaalaan dad Burco udhashay si ay dhibaatooyin uga dhex oogaan oo bulshada cuqdad iyo shaki ukala geliyaan, nasiibdarro reer Burco weli isma weydiin uma dhaba gelin sheekooyinkani iney runyihiin iyo meesha salka kuhayaan, iyo halka lagasoo alifey, waxay caadeysteen, subaxba warka cusub ee ay ku waabariisato iney haf layidhaahdaan markaa hadeer doorashadii ayaa soo dhowaatey.

Waxaa layaab noqotay Burco markay muddaharadaan iyaga ayaa isku mudaharaada, waqtigii magaalooyinka lagusoo noqday waxa ka dambeysey waxa lagajoogaa 23 sanadood, wanqtigan xaadirka ah magaalo waliba waxay ku hawlantahay horuumar way dedaalayaan, tartan ayaa lagu jiraa, magaalo waliba waxay ku foogantahay sidii ay Waddo wanaagsan uhelilahyad, sidii ay waxsoosaar uga midha dhalinlahayd, bal u fiirso oo dhugo hoos u eeg waxa kasocda Berbera, Hageysa, Gebiley, Booama, Ceerigaabo, Burco waa magaalo madaxda labaad ee Dalka Jamhuuriydda Soomaaliland, waa magaalo maddaxda gobolda Bari ee Soomaaliland, waxaa kayimaada xoolaha ugu baddan ee dalkeena kadhoofa, waxa lageyeeysiiyey iney Ciyaatodii beelo kusoo xulaan, waa murugo werwer ku abuuran dadka Burco daneynaya.

 Arintu sikasta ha haatee waxa habboon in leysu caqli celiyo kelmadda cannaanta ahna xumaan lookala turjuman, waxan aaminsanahay wasiirka waxa laweynaatey oo ka daadegiweydey u cuntami weydey sheekooyinkan isfahanwaaga ah ee Burco ka socda, Caddaani wuxuu ka midyahay shakhsiyaad xukuumaddan ka tirsan ee Jidka Burco iyo Ceerigaabo u dhaxaya ilaa iyo bilowgii uhalgamaayey oo dabda ka wadey, faa’iidada ku jitana isaga sheekayn mayno waxa sahlanaaneysa isu socodka bulshada ganacsiga, waxaynu kaga baxaynaa dhibaatada wadda xumada inaga haysata.

Waxan tilmaayaa anigu shakhsiyan Wasiika laxisbi ma ihi una hiilinmaayo laakiin waa massul gobolkan u dhashay xaq ayuu uleeyahay inuu waajibkiisa guto dadka xumaantadeynaya ee nabbad gelyada wadana dadka ka qabto adiguna hadaad shacabkiisa tahay dan ayaa kuugu jirta inaad adeecdid, anigu waxan ka mid ahay dadka quudaeynaya inaan dib  loonoqon ee hore loosocda iskaashiga iyo wadajirka isfahanka iyo wax wada qabsiga, waxan tilmaamayaa danta guud wax gunti nin lagu qariyo ka weyn, waad ogtahay maanta Dunida waxaynu usoconeynaa ineynu Ictiraaf ka helo iyo dawladnimo buuxda sidaa daraadeed dariiqeedii ayaa leynooga baahan yahay, dad Muslin ah ayeynu nahay diinteena suuban ayaa qabta in xumaanta leyska reebo waanaagana leysu sheego, marka aad dhaqankeena dib umilicsatid waxaynu caado ulahayn, oo dhaqankeena hufnaantiisa ka mid ahayd ineynaan khaladka isku raacin ee sida wax u jiraan dhabta ah sugan leystaabsiiyo.

Marka aan soo ururiyo meel ayeynu u xidh xidhanahay, hadaf iyo yool aynu higsaneyno ayaa jirey hawl badan ayaa inoo taala, nabbad iyo caafimaad ayeynu haysanaa shaqooyin badan ayaa inoo qabyo ah, bal hareeahaaga eeg, duniduna sideedaba waa tartan yaan leynagu habsaamin sheekooyinka beenta ah ee lasoo mala awaaley.

Amaana Allaah.

Keyse  Axmed.

 saaqiyad@hotmail.co.uk

Waadmahadsantihiin.