Wasiirka Warfaafinta Somaliland Oo Kulan La yeeshay Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Jabuuti

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Oo Kulan La yeeshay Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Jabuuti

uuJan 27,2014 Jabouti(SM)-Wasiirka Diinta iyo Awqaafta dalka Jamhuuriyadda Jabuuti Md. Aadan Xasan Aadan Ayaa Sabtidii xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo socdaal shaqo ku jooga Jamhuuriyadda Jabuuti.

Labada Wasiir waxay ka wada hadleen intii uu kulankoodaasi socday sidii labada dal ay iskaashigooda saaxiibtinimo iyo wax-wada qabsigooda u sii adkayn lahaayeen.
Kulankaasi waxa labada Wasiir ku weheliyay Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland Mudane Axmed Saleebaan Dhuxul.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta dalka Jamhuuriyadda Jabuuti Md. Aadan Xasan Aadan , ayaa sheegay dalkiisa ay ka go’an tahay inuu iskaashi iyo xidhiidh saaxiibtinimo dhex maro labada qaran iyo labada shacab ee walaalaha ee Somaliland iyo Jabuuti.
Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Mudane C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa uga mahad celiyay Wasiirka sida diiran ee uu ugu soo dhaweeyay xafiiskiisa iyo dalkaba. Waxaanu ka waramay taariikhda guunka ah iyo xidhiidhka labada shacab ka dhaxeeya.
Wasiirka Warfaafintu waxa uu sheegay in uu wasaaradda warfaafinta Jabuuti ay kala shaqayn doonto warbaahinta qaranka Somaliland dhinacyo badan isla markaana ay xidhiidh wada shaqayneed yeelan doonaan.

Wasiir Cabdilaahi Cukuse waxa uu sheegay in Jabuuti ay ka caawin doonto warbaahinta qaranka TV-ga iyo Idaacadda Radio Hargeysaba sidii cajaladaha kaydka ah loogu bedeli lahaa nidaamka casriga ah ee Digitalka ah.

Wasiirka Warfaafintu waxa uu hore ula kulmay Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo Isgaadhsiinta Jabuuti iyo Agaasimaha Guud ee wasaaraddaasi oo ay ka wada hadleen sidii warbaahinta labada dawladood ay u yeelan lahaayeen wax wada qabsi iyo iskaashi.

Salaanmedia/Hargaysa