Wasiirka Wasaarada Dib Udajinta Oo Socdaal Shaqo Ku Tagay Wadanka Jabuuti Sidii Loo Soo Celin Lahaa Dadka Qaxoontiga Ku Ah Wadanka Jabuuti Ee U Dhashay Somaliland

Wasiirka Wasaarada Dib Udajinta Oo Socdaal Shaqo Ku Tagay Wadanka Jabuuti Sidii Loo Soo Celin Lahaa Dadka Qaxoontiga Ku Ah Wadanka Jabuuti Ee U Dhashay Somaliland

wr

Jan 21,2014 Hargaysa(SM)-Wasiirka Wasaaradda Dib u dejinta ee JSL Md Axmed Cabdi Kaahin ayaa maanta socdaal shaqo ku tegay dalka aynu jaarka nahay ee Jabbuuti, halkaas oo uu kaga qayb geli doono wadahadalo ku saabsan qaxootiga ku jira xerada qaxootiga ee Cali Cadde ee dalka Jabuuti.

Agaasimaha guud ee wasaaradda dib u dejinta Md Maxamuud Jibriil Yoonis oo garoonka diyaaradaha ee caasimadda ku sii sagootiyey wasiirka ayaa warbaahinta u sheegay in wasiirku u ambabaxay dalka jabuuti socdaalkiisuna ku aaddan yahay xog ogaal u noqoshada xaaladda qaxootiga reer Somaliland ee ku jira xerada Cali-Cadde ee dalka Jabuuti, iyadoo ay safarkiisa ku wehelinayeen labo xubnood oo ka kala socda golaha baarlamaanka iyo bulshada rayidka ah.

Agaasimaha guud oo farriin u diray qaxootiga Somaliland ee ku jira xeradaasi taasoo uu ku wargeliyey in dalkoodii Somaliland ay ka jirto nabadgelyo iyo dawlad kaamil ah markii ay doonaana ay ku soo noqon karaan soo dhawayna diyaar loolala yahay.

Salaanmedia/ Hargaysa