Waxa layidhi QUDHAANJAA shaqada waxay iman jirtey iyada oo habsaantey , shaqadana horbey ka bilaabi jirtey

Waxa layidhi QUDHAANJAA shaqada waxay iman jirtey iyada oo habsaantey , shaqadana horbey ka bilaabi jirtey ,waxay ku caan baxdey wax soo saar badan oo fiican ,iyo shaqada oo ay hagar la aan u qabato , iyo shaqadeeda oo ay ku faraxsan tahey , una fuliso si daacad ah .

calimaxamedbiixi2

Maamulihii shaqada oo ahaa LIBAAX , ayaa waxa uu arkey ,QUDHAANJADA oo si fiican u gudaneysa shaqadeeda iyada oo aan cidi dirin , si fiicana isu maamuleysa , aadwa wuu uga mabsuudey . waxa uu iswaydiiyey : 
QUDHAANJADU haddey waxan oo wax soosaara sameynayso keligeed iyada oo aan cidi maamulin  , bal sidee buu (xaalku) ahaan lahaa wax soo saarkeedu haddii loo sameeyo MAS UUL maamula .
LIBAAX waxa uu maamule uga dhigey BARANBARO lagu yaqaaney shaqo wanaag iyo qoraalo (report) iyo warbixino fiican.
Maamulihii BARANBARO go aankii (digreetadii) ugu horeeyey ee uu soo saarey , waxa uu ahaa inuu la sameeyo (machine card  shaqaaluhu ay isticmaalaa marka ay shaqada soo gelayaan iyo marka ay baxayaan ba (ee larawaxo) .
Arinkaasuna waxa uu soo kordhiyey in la shaqaaleysiiyo SEKERTEERAD ka caawisa qoraalada iyo warbixinada oo xafiiska fadhiisata . wuxuu ka shaqaaleysiiyey CAARO si ay (file ) lasha iyo telefoonada xafiiska uga jawaabto .
Maamulihii sare eeLIBAAX aad buu ugu bogey warbixinada quruxda badan ee ay soo qoreyso BARANBARO .
LIBAAX wuxuu kaloo BARANBARO ka codsadey inuu soo sameyso warbixino uu kaga hadlaayo qaybta uu joogo , waxsoo saarkeeda , sharaxaadna ka bixiyo , ay weliba sawiro la socdaan , warbixintanna wuxuu horgeyn doonaa masuu liyiinta sare ee shirkadda .
Waxaanu ku yidhi waxbixintan waxa kaa caawin doona diyaarinteeda DUKHSIGA oo kaala shaqayn doona , kuuna sameyn doona DATABASE iyo weliba dhinaca IT ga .
QUDHAANJADII shaqadeedii way nacdey , sababtoo ah waxa ku soo kordhey waraaqo badan oo la buuxunaayo iyo shirar isdaba jooga oo wakhti badan ka lumiya .
LIBAAXII na wuxuu istusay in iminka la gaadhey in qaybtan (waaxdan) loo sameeyo mas uul sare oo u gaara , waxaana jagadii loo magacaabey AYAX  .
AYAX na go aankii (digreetadii)ugu horeeyey ee uu soo saarey , wuxuu ahaa in loo soo iibiyo xafiiskiisa qadiifad -kursi -computer cusub iyo type cusub .
Qaybtii ay QUDHAANJADU ka shaqeynaysey waxa la soo deristey wax soo saar yaraan – isdabagal -isnaceyb -wada shaqeyn la aan – qabyaalad iyo dibudhac wayn .
arimihii waaxada lagu yaqaaney oo dhan meesha way ka baxdey .
AYAXII ayaa dareemey arimahan una fiirsadey , waxaanu maamulihii sare ee LIBAAX ku qanciyey in loo baahan yahey in BAADHITAAN la sameeyo , lana ogaado sababaha keeney dibudhaca ku yimi waaxdan iyo niyad jabka ku dhacey shaqaalihii qaybta .
Markii la eegey sida ay waaxdani wax u soo saarto iyo masaariifta (kharashka ) guud ee ku baxda iminka iyo sidii ay waaxdani berigii hore aheyd , markii laysu eegey , waxa soo baxdey inuu dibu dhac wayni ku yimi .
waxa la shaqaaleysiiyey GUMEYS ahaa talo bixiye caana , waxaana laga codsadey inuu ka soo talo bixiyo dhibaatooyinkan yimi iyo wixii uu xal u arko . in  dhibaatadan lagaga bixi karo.
Saddex  bilood markii diraasadii iyo baadhitaankii socdey , ayay warbixintii ku soo ururtey , in shaqaalaha waaxdan joogaa ay aad u badan yihiin , oo aanay qaadi karin kharashkooda (overstffed) .
Hdaba LIBAAX tolow yuu eryi doonaa ? 
Wuxuu faashkii ku dhacay (erigii) QUDHAANJADII  culeyska badani fuuley , ee kana muuqadey niyad jabku .
Sheekadani waxay sheegeysaa , haddii shaqaale aan shaqada garaneyn leyska qoro , oo loo xilsaaro waxyaabo aanay khibrad iyo aqoon toona u laheyn , dhibaatooyin ayaa ka dhasha , dibu dhac iyo maamul xumo keena .
Shaqaalaha waa in qolo  loo eegin iyo meel soo eego aan kuu dhiibo .
BAL ADBA SHEEKADAN FASIRO , WAXSE MA KA FAHANTEY
CALI MAXAMED BIIXI    caliwwelli@hotmail.co.uk