Waxaa La Soo Gaadhay Waqtigii Somaliland Ay Hadoodilka Ka Bixi Lahayd By Mohamed Abdirahman

Waxaa La Soo Gaadhay Waqtigii Somaliland Ay Hadoodilka Ka Bixi Lahayd By Mohamed Abdirahman

untitledWaxay taariikhdu qiraysaa dhulkii la odhan jiray ( British Somaliland ) oo sharci ahaan u macnaysnaa “Dhulka Soomaalida ee Ingiriisku gumaysto” inuu xornimadiisii hantiyey 26/06/1960kii, maamul iyo dawladna samaystay; isla markaana uu si shuruud la’aan ah ula midoobay 1dii July 1960kii dhulkii isagana la odhan jiray (Italian Somaliland) oo isna sharci ahaan u macnaysnaa “Dhulka Soomaalida ee Talyaanigu gumaysto” oo xornimadiisii qaatay 01/07/1960 sidaana lagu helay midnimo iyo waddan Soomaalyeed oo xor ah lagana aqoonsaday caalamka oo dhan.

 

Waxay taariikhdu qiraysaa in uu dhismay qaran Soomaalyeed oo dastuurkiisa ku qeexay in saddex degaan oo Soomaaliyeed ku hadheen gacmo gumaysi oo caddaan iyo madowba leh; sidaa awgeedna u hawlgalay sidii loo heli lahaa saddexdaa dhul oo xor ah si loo gaadho hadafkii ahaa “Soomaliweyn” ama “Great Somalia”.Waxa la wada ogyahay in hawlgalkii lagu gaadhay in dhulkii Soomaalida ee Fransiisku gumaysan jiray uu xoriyaddiisa helo haba noqdo dal madaxbanaan oo gaarkiisa ahe iyadoo ay kaliftay shuruud uu ku xidhay xornimada gumaystihii maamuli jiray  sidaana lagu aqbalay si geedkii uu ku xoqdaba loogu jaro oo xornimo loo dhaafsado.

 

27/07/1977kii Jabuuti ayaa noqotay dalkii saddexaad ee calan xor ahi ka babado.

Waxay taariikhdu qiraysaa isla sannadkii 1977kii  in  xukuumaddii milatariga aheyd ee Soomaaliya dagaal ku qaadday dalka Ethiopia si ay xoog ugu xorayso dhulkii Soomaalida ee Ingiriisku ku daray Ethiopia sannadkii 1954tii; kaas oo ay qabsatay dhammaan degaankii Soomaalida Ethiopia iyo waliba dheeraad hase yeeshee caalamku diiday inay Soomaaliya dhulkaa ku sii nagaato iyadoo la cuskanayo inaan lagu xadgudbin xuduudihii gumaysigu ka tagay iyo waliba xoogga loo adeegsaday xorraynta dhulkaasi.

 

Jabkii iyo guuldaradii lagala kulmay dagaalkaasi kadib waxay taariikhdu qiraysaa in ay dalka ka curteen halganno hubaysan oo kala ujeeddo ah kuna salaysan qabiil, una kala horeeyey SSDF, SNM iyo USC; kuwaas oo dhammaantood dabada galiyey kalidii taliyihii Ethiopia Mengistu Haile Maram ee dagaalka looga naxsaday si ay hub iyo saanad uga helaan iyagoo u ballanqaaday inay uga aargudayaan dhirbaaxadii kalidii taliye Maxamad Siyaad Barre gaadhsiiyey, waddankana ay u kala googooynayaan gobollo Ethiopia si gaar gaar ah u kala hoos yimaadda.

 

Waxay taariikhdu qiraysaa