Waxaynu leenahay kuwa heshiis beeneedka soo saxeexay waar yaadhaheen ba-deene beenta iska daaya barqo seexateene

MAQAAL

Waxaynu leenahay kuwa heshiis beeneedka soo saxeexay waar yaadhaheen ba-deene beenta iska daaya barqo seexateene beenta iska daaya badhi weyn rag baa cunee beenta iska daaya idinkuna shicibow beenta iska daaya! 

hadalba waxa dhameeyay abwaan axmed aw geedi oo yidhi nimankii aynu gumaradii u diranay oo bahashii ka seexaday oo ay dawaco cuntay ayay leeyihiin xerada ayay ku jirtaayoo way idiin dhalaysaaye ee hadeg degina!,

raga meersi loodiray daayacay waxoodii
kadurduurshay bahalaha maxay dooda beenta ah
muran iyo isdiidsiin hadalka ugu darayaan?

heshiiskii diciifka ahaa ee ay soo saxeexeen kooxdii tagtay turkiga waxa uu nusqaan ku yahay shacabka reer somailand ee 23 sanadood ka hor qaranimadii ka dayacantay qori caaradii kula soo noqday! xornimada maanta lagu naaloonayaa ma aha mid ku timid baryo iyo afar faataxo ee waxa u nafwaayay 20 kun oo qof inta hanti u burburtay lama soo koobi karo,

ragii aynu diranay ee aynu horseedka ka dhiganay waxay la soo noqdeen wax aan umada u cuntamin mana aha mid ay umada kaga wakiil noqon karaan ma nimanka loo quudhi waayay in raali gelin buuxda laga bixiyo wixii dalkan ka dhacay ee xasuuq lahaa ee baro kicin lahaa ee xabaal wadareed lahaa ee isirtir lahaa ayaa laga filayaa inay aqoonsi buuxa ka midho dhaliyaan wada hadalada ay reer muqdisho la leeyihiin? somalidu waxay tidhaahdaa garowshiiyo waa geel siin waar nin xitaa ka garaabi waayay wuxuu kuu geystay ma waxa uu kuu ogolaanayaa wax intaas kaweyn iyo inuu khaldkiisii garowshiiyo ka bixiyo,

waxa layidhi nin ayaa nin kale si gardaro ah ula dagaalamay markaasaa kii laga gardarnaa loo ergeeyay iyada oo larabo in la xaal mariyo markii argedii la hadashay ee la yidhi nin kaasi waa kaa gardaran yahay ee raali noqo ayuu ergedii ugu jawaabay horta intaanan idinka aqbalin ergeda aad iigu timaadeen ninkii idilay ma I qoomamaynayay?!!! ama dhibka uu igaadh siiyay ma ka shalaynayay?!! oo ma lahaa nin kaas wixii aan gaadh siiyay waan ka xumahay haa baa kagu yidhi wuxuu ugu jawaabay hadaba wixii kale ee aad u socoteen uga gudba intaas baan ku bogsadee!,

waar nin kuu quudhi waayay inuu ka bixiyo qoomamo wuxuu kuu geystay muxuu kale ee uu ogolyahay? bal adba!!! waxa dadka qaar iswydiin karaan oo odhan karaan  ragan loo soo xulay wada hadalada dhinaca somaliya ma iyagaa dhibta geysatay maxaa loo daba socdaa? macnuhu waxa weeye qarankii somaliya ayay wakiil kayihiin oo shirka u fadhiyaan oo calankiisii sitaan mar hadii ay tahay arin siyaasadeed hadba waxa umadaas wakiil ka ah cida hogaanka u haysa ayaa metesha oo magaceeda ku hadli karta sida xukuumada Somaliland maanta hogaanka u haysaa ay wakiilka uga tahay shacbka Somaliland iyo rabi taankooda,

marka laga yimaad wada hadaladii hore iyo qodobadii hore loogu heshiiyay ee weliba ka socon waayay dhinaca reer muqdisho waxa soo raaca ee la taaban karo ee kooxda reer Somaliland la soo guryo noqodeen waa qodobkaas qabyada ah ee reer muqdisho diideen inay si dhamaystiran raali gelin uga bixiyaan wixii umadan Somaliland soogaadhay,

waxay ku kabeen dadkii ku dhintay dagaaladii sokeeye ee ay iyagu iska dileen markii ay xukunka isku haysteen! bal maxaa iska galay nin dowlad xoog badani xasuuqday oo baro kicisay oo kun kun qof xabaalo loogu guray iyo nin dagaal sokeeye oo qabaliya oo awooda laysku haysto ku baxay? miyay ilaaween kuwa shirka fadhiyay dadkii guryahooda muqdisho kuyaal lagala baxay ee xeebta jasiira lagu xasuuqay bal maxay galab sadeen kuwaasi? sow isir nacayb iyo guntir may ahayn?,

waxaynu leenahay kuwa heshiis beeneedka soo saxeexay midhihii abwaan axmed aw geedi maansadiisa garbo-diir,

waar yaadhaheen ba-deene beenta iska daaya
barqo seexateene beeta iska daaya
waydinkii be-ee beenta iska daaya
badhiweyn rag baa cunee beenta iska daaya
idinkuna shicibow beenta iska daaya! 


Aadan Axmed Nuur