Wefdi ka socda Wadamada Midowga Yurub oo la kulmay Madaxweynaha Puntland “Daawo Sawirada”

Wefdi ka socda Ururka Midowga Yurub iyo Wadamada Yurubta qaarkood, ayaa waxay maanta Magaalada Garoowe ay kula kulmeen Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas.

Wefdigaan, ayaa waxaa horkacaayay Wakiilka Midowga Yurub ee Somaliya Michele Cervone d’Urso, waxaana ku wehlinaaya Wakiilo ka kala socda Safaaradaha Talyaaniga, Sweden, Norway iyo Britain.

Dhinacyadaan, ayaa waxay shirkoodaan ay kaga hadleen arrimo dhowr ah, oo ay ugu horeyso xiriirka Puntland iyo Midowga Yurub, loona sii xoojin lahaa.

Labada dhinac, ayaa sidoo kale isla soo hadalqaaday xoojinta taageerada uu Midowga Yurub siinaayo Puntland iyo dhameystirka mashaariicda uu Midowga Yurub ka fulinaayo Deegaanada Puntland.

Xubnaha ka socda Midowga Yurub, ayaa waxay balanqaadeen in ay kordhin doonaan, oo ay xoojin doonaan xiriirka ay la lee yihiin Puntland iyo weliba mashaariicda ay ka fulinayaan.

Dr. Gaas, ayaa kaga mahadceliyay Masuuliyiinta ka socda Midowga Yurub, wada shaqaynta iyo xiriirka dhow, ee ay la yeelanayaan Maamulkiisa.