weligiin ma aragteen mana maqasheen xukuumad iyadu cod iska qaadaysa oo aan is aamin sanayan?!!!

weligiin ma aragteen mana maqasheen xukuumad iyadu cod iska qaadaysa oo aan is aamin sanayan?!!!
 MAQAAL
waxa shalay la arkay madaxweyne ku xigeenka Somaliland mudane saylici oo shir aan caadi ahayn isugu yeedhay golaha wasiirada oo cod gacantaaga ka qaadaya isaga oo ka codsanaya inay u codeeyaan in qof kasta oo muwaadin ah oo Somaliland u dhashay oo deeganka ay ka kooban tahay kasoo jeeda uu qaato jinsiyada cadaynaysa in uu yahay somalilander,

waa arin aad iyo aad muhiimadeeda u leh oo kala saaraysa qofka muwaadinka ah iyo ka marida ah ee dalka joogay sabab kasta how joogee waxase lala yaabay markii la arkay xukuumadii dalkan masuuliyadu kasaarayd ee iyadu awooda u lahayn inay sharciga fuliso oo shaqadeedii loo igmaday cod gelinaysa,

maalin kasta oo khamiisa waxa kulma golaha wasiirada waxaanay ka doodaan hadba shaqada xukuumada u taala mid gudaha dalka ah iyo mid dibadeeda ah waxa laga doodaa wixii markaas golaha xukuumada horyaal  wasiir kastaba rayigiisa ayuu ka dhiibtaa markuu soo hordhigo wasiirka shaqadaas gaara u lihi dood dheer iyo falanqayn waxa laysla qaataa halka ay kabadin waayaan inta badan wasiiradu sidaas baana lagu go-aan qaataa waana shaqo dowladnimo in wax kasta oo lasoo darsa xukuumada laga wada doodo si aan hadhow hadii khalad soo baxo aan loo odhan awelba cidgaara ayaa jeebka ku sidatay,

hadaba shalay xukuumadu waxay la timid shaqo cusub oo aad moodo inay kalsooni daro ka hayso shaqadii ay u xilsaarayd qaadashada kaadhka jinsiyada Somaliland in laqaato lama diidin waana waajib qaran in ay ka doodaan golaha wasiiraduna waa shaqadii ay khamiis kasta samayn jireen waxayse soo kordhisay xukuumadu inay cod iska qaadaan oo ay tidhaahdo yaa aqbalay in laqaato kaadhka jinsiyada Somaliland iyo yaa diiday iyo yaa ka aamusay sidii ay yihiin xildhibaano baarlamaan oo midiba xisbi kale ka yimid oo kala aragtiya! oo loo baahan yahay in cid kasta oo xisbigeeda ka socota la qanciyo!

miyaanay kooxdan wasiirada ah ee uu madaxweyne ku xigeenku kodka ka qaadayaa hal xisbi oo kulmiye ah ka wada tirsanayan iyo xukuumad qudha oo xisbi qudha ka dhalatay ahayn ma dhowr xisbi oo dowlad wadaaga soo wada dhisay baa?! mise shacabka ay masuulka ka yihiin baanay ku kalsoonayn oo isleeyihiin idhahooda ku soo jiita si ay shaqadan hortaal ee kaadh qaadashada ugu qanciyaan?!

halka ay xukuumadu shaqo waajib ku ah inay fuliso cod gelinayso oo saxaafada istusayso waxaa kaga haboon heshiisyada caalamiga ah ee ay hadba shirkad meel kula saxeexanayso inay hor keento baarlamaanka si umadu ugu kalsoonaato shaqada ay u hayaan oo tunku meesha uga baxo,

xukuumada siilanyo waxa ku dhacay wax layidhaah isku dhex yaac siyaasadeed iyo mid sharci madaxii ayay mijo u bedeshay waxay kala garan la dahay waxa u baahan in cod lagelyo oo sharciyada la mariyo iyo waxa shaqadeeda ah ee u baahan go-aan qaadasho,

xisbigii kulmiye waa kala qaybsan yahay oo xalad qalafsan ayuu ku sugan yahay xukuumadiina saamayn ayuu ku yeeshay xubnihii ugu badnaa ee xisbiga kulmiye ka soo galay golaha baarlamaanka ayaa ka biyo diiday xubno sigaara ugu dhow qasriga mataxtooyada oo warkooda la qaato oo baaramaanka ku jira waxaanay taasi saamayn ku yeelatahay inay marwalba ka codeeyaan oo diidaan mooshinada xukuumadu dabada ka riixayso!,

bal hadaba sideebay dalka iyo dadka u hogaamin kartaa xukuumad iyo xisbi kala qaybsan oo is haya?

Aadan Axmed Nuur