Xabada iyo Madaafiicda mucaaradka Syria oo xaafado hor leh ku faaftay & xoogaga Bashar Al Asad oo…(Daawo Muuqaal+Warbixin)

Xoogaga madaxaweynaha dalka Siiriya Mr.Bashar Al Asad ayaa ku jira farxad cusub ka dib markii uu ka degay culeys weyn oo in mudo ah saarnaa. Waxaa mar kale fooda is daray maleeshiiyaadka Mucaaradka dalka Syria oo durbadiiba labo dhinac u kala baxay .

Dagaalo u dhaxeeya Mucaaradka Syria dhexdooda ayaa ka holcaya deegaano ku xeeran magaalada caanka ah ee Aleppo gaar ahaan degmooyinka Idlib iyo Atarib. Dagaalka mucaaraadka dhexdiisa ayaa qarxay ka dib markii maleeshiiyadka Al Qaacida ee deegaanadaas ka dagaalamaya ay gudaha goboladaas soo galiyeen Ajaanib badan oo afafka soo duubtay kuwaas oo durbadiiba bilaabay inay xukumaan dadka dhaladka ah ee reer Siiriya waliba ku nool dhulkaas.

Shacabka magaalada Idlib oo hubka qaatay waxeey la safteen maleeshiiyaadka Islaamiga ah ee deegaanka waxeeyna la dagaalamayaan ururka Al Qaacida kuwooda ku sugan deegaanadaas. Ciidamada Bashar Al Asad oo ka faaideeystay jabka mucaaradka dalka Syria ayaa iminka la wareegay dhul fara badan oo horay looga qabsaday .