Xildhibaan Cali Mareexaan oo Gaadhi SURF ah ugu Deeqay Bali-Dhiig

cali  mr

Hargeysa (SM) – Xildhibaan Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), ayaa maanta degmada Bali-dhiig ee gobolka Togdheer ku wareejiyey gaadhi SURF ah oo cusub.

Munaasibadda uu Xildhibaan Cali Mareexaan gaadhigan ku wareejiyey, ayaa ka qayb-galay Wasiir ku xigeenka Amniga, Cabdilaahi Abokor Cismaan iyo Maayarka degmada Bali-dhiig iyo masuuliyiin kale.

Cali Mareexaan oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Waxaan doonayaa inaan maanta gaadhigan cask u wareejiyo degmada Bali-dhiig oo ka mid ah degmooyinka taariikhda ku leh Somaliland oo aad u dad badan, kana mid ah degmooyinka gobolka Togdheer, oo taariikh ku leh halgankii dalka lagaga xoreeyay Ingiriiska iyo halkii ka dambeeyayba, aad iyo aadbaan ugu faraxsanahay in maanta Maayarkii degmadu ila joogo iyo Wasiirkii Amniga oo aanu ku wareejinayo gaadhigan oo degmada Bali-dhiig leedahay”

Maayarka degmada Bali-dhiig oo isna ka guddoomay xildhibaanka gaadhigan oo uu ugu talo-galay degmadaasi, ayaa hadal uu halkaasi ka jeediyay yidhi “Anniga oo ah Maayarka degmada Bali-dhiig waxaan u mahad-naqayaa xildhibaan Cali Mareexaan oo nagu wareejiyey gaadhi ay leedahay degmadu, aad iyo aad baan ugu mahad-naqayaa, sida uu wasiirku sheegay hore ayuu deegaankaasi wax badan ula qabtay, isagoo ah deegaanku kii laga soo doortay, wax badanna la qabtay”

Wasiir ku xigeenka Amiga Somaliland, Cabdilaahi Abokor Cismaan, ayaa isaguna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Waxaan jecelahay inaan u mahad celiyo xildhibaan Cali Mareexaan oo aanu aaminsanahay wasaarad ahaan iyo bahda amnigaba inuu wax badan nala qabtay, gaadhinna maaha kii koowaad ee uu wasaaradda arrimaha gudaha iyo ciidanka amniga ku soo wareejiyo, waana gaadhigii saddexaad, waxa uu hore gaadiid ugu wareejiyey Qoryaale iyo Dhoqoshay, Sadlhigyo boolis buu dhisay, waxaanu aaminsahaya waa xildhibaan xog-ogaal u ah dadkiisa”

Xildhibaan Cali Mareexaan, ayaa hore gaadiid ugu wareejiyey degmooyinka Dhoqoshay Iyo Qoryaale, isaga oo meelo kalena ka hirgaliyey saldhigyo boolis.

Salaanmedia/Hargeysa