Xildhibaan Cali Marexaan Waa Halyey Ka Dhabeeyey Himiladii Shacabkiisa+sawiro

Waxay ahayd 2005   markii dhamaan bulsho weynta reer Somaliland u dareereen codaynta  golaha wakiilada jamhuuriyadda Somaliland, waxa la dortay 82 mudane oo ka mid ahaa mussharaxiin aad u tiro badnayd oo ku hamiyay inay tuurta u ritaan cimaamadda xildhibaanimo.

 

 

Iswaydiintu hadaba waxay tahay xaagebay ku danbeeyeen xildhibaanadii aynu dooranay? Ileen waa dhif iyo naadir inta aynu aragno ee wax u taraysa umaddii soo doorataye? Hadaba  Akhriste yaal anigoo ka mid ah dhalinyarada  gobolka togdheer ee  wax ka barata jaamacadda Admas ee magaalada Hargaysa  iswaydiinta su’aashaasi ka dib  waxa   diiradda war celintaydu  qabatay mid ka mid ah mudaneyaasha  aqalka wakiilada oo aan u qiray inuu ka dhabeeyay himiladdii sahacabkiisa.

 

 

 

 

xil:cali xasan maxamed( cali marexan) waxa  uu kamid ahaa asasayaashii xisbiga kulmiye waxana uu ahaa gudoomiyii xisbiga kulmiye ee gobolka togdheer.waxa uu isu sharaxay golaha wakiilada .waxana uu noqday musharaxii ugu codka badnaa xisbiga kulmiye halka gobolkana ii ka sarreeyay hal xildhibaan. .xildhibaanku markiiba waxa uu noqday xildhibaanada ugu firinfircoon ee golaha wakiilada .

Xildhibaanku waxa uu ka dhabeeyey inta badan  dhamaan balan qaadyadii uu smaeeyay  waqtigii uu  kujiray ololaha doorashada isagoo qabtay waxqabad aad ubalaadha. Inta badan Degmooyinka gobolka togdheer waxa uu ka kaabay waxyaabaha nolosha aas aaska u ah sida  dhinacyada nabadgelyada, waxbarashada iyo biyaha  .waxana kamid ah:

 

* gaadhi surf ah oo uu ugu deeqay  booliska degmada qoryaale

*gaadhi lamid ah uu oo gudoonsiiyey degmada dhoqoshay

* saldhig boolis oo uu ka  hirgaliyey degmada war-cibraan .

*waxa uu dhisay xarunta maamulka ee degmada Qorulugud

*waxa uu sidookale gaadhi gudoonsiiyey degmada Balli-idhiig oo  dhamaantood kawada tirsan gobolka togdheer  islamarkaana waxa uu hada saldhig kawadaa magaalada istaraatiijiga ah ee shansha-cadde oo  ahayd  meeshii uu codka ugu badan kahelay doorashadiisii

sidoo kale waxa uu ku caanbaxay, kuna  dadaalaa ka  qaybqaadashada  dhamaan horumarka gobolka togdheer  oo uu ugu muhiimsanaa  dhisitaankii Biriishka labaad ee burco oo uu kaqaybqaatay,Taakulaynta iyo  ogaanshahajaamcada burco.dib u dhiska madaarka burco oo uu geed dheer iyo  midgaabanba ufuulay sidii dhaqaale loogu ururin lahaa islamarkaana shacabka u dhashay gobolkaasi ay ugasoo degilahaayeen ugana dhoofilahaayeen.

Hadaba  waxa aan uga mahad celinayaa xildhibaanka dadaalka uu ugu jiro  horumarinta gobolkii laga soo doortay iyo dhamaan  gobolada dalka isla markaana waxa iga daadegi la’meesha ay mareen xildhibaanadii lalasoo doortay marka laga reebo  in fara ku tiris ah oo ay ka mid yihiin  Xildhibaan waabeeyo  iyo xildhibaan Nac-Nac oo iyaguna  qabtay shaqooyin badan .

Guntii iyo gabagabadii waxa aan ugu baaqayaa dhamaan xildhibaanadii ku foosay doorashadii wakiilada gaar ahaan kuwii ka soo baxay   gobolka Tog-dheer  in ay ku deydaan xil cali marexaan oo ay bulshadii   soo dooratay wax uqabtay  islamarkaana ay gartaan waajibaadka ka saran dadkii soo saaray oo ay xusuustaan balanqaadyadii ay galeen xilligii doorashada.oo ay ogaadaan in bulshadu ay xasuusantahay qofka waxtara iyo ka kale islamarkaana ay ugu abaalgudayaan xilliga siyaasiyiintu ay baahanyihiin ee codka doonayaan.

w/Q: Hassan saleban Harun

E-mail:xasanjanaale@hotmail.com