Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo laba garab u kala jabay, dood kululna ay uga soconeyso Xarunta Golaha Shacabka

image

Dood xoogan, ayaa waxay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay galabta kaga soconeysaa Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada, ayaa waxay ka doodayaan Barnaamijka Xukuumada cusub, oo Isniintii shalay loo qaybiyay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo, xalay ilaa saakay ay soo akhrisanayeen.

Kooramka Baarlamaanka oo ay soo xaadirtay 224 Xildhibaano, ayaa waxay 80 ka mid ay si adag kaga doodayaan Ajandaha Xukuumada Ra’iisal Wasaare Dr. C/weli Sheekh Axmed Maxamed.

Xildhibaan C/samad Macalin Maxamuud Faarax, oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ee ka soo horjeeda meel marinta Xukuumada, ayaa waxa uu sheegay inaan leesku halayn karin Golaha Wasiirada ee Xukuumada cusub.

Xildhibaan C/samad, ayaa waxa uu Ra’iisal Wasaaraha ugu baaqay in uu dib ugu laabto Dhismaha Golahiisa Wasiirada, dibna uu ugu soo noqday Xarunta Golaha Shacabka.

Sidoo kale Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade oo la safan garabka Xildhibaanada taabacsan in codka kalsoonida la siiyo Xukuumada cusub, ayaa wuxuu ku baaqay in codka la siiyo Xukuumada C/weli.

Mr. Xaabsade, ayaa ku nuux-nuux-saday in Xukuumada ay u baahan tahay taageero rasmi ah, si ay u dardargeliso hawlaha shaqo ee horyaala.

Salaanmedia/Mogdisho