Xisbiga Ucid Oo Shalay Siyaasiyiin, Misaan Culus Oo Ku Soobiiray Xaflad Si Heersare Loo Soo Agaasimay Ugu Qabtay Hotel Ambassodor

JAMHUURIYADDA SOMALILAND                                                                             REPUBLIC OF SOMALILAND

New Picture 

       Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka                                                                                     UCID                                                                                                                                          Justice and Welfare Party

حزب العداله والرأفة

REF /UCID /004/ 2014                                                                                                       Date: 25/01/2014

Xisbiga Ucid oo maanta siyaasiyiin, Misaan culus oo Ku Soobiiray Xaflad Si Heersare Loo Soo Agaasimay ugu Qabtay                                Hotel Ambassodor

Xaflad meeqaamkeedu aad usareeyey oo si heersare ah loosoo agaasimay ayaa maanta Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka UCID ugu qabatay hudheelka Ambassodor ee magaalada Hargeisa siyaasiyiin cududleh oo kasoo digarogtay Xisbul Xaakimka Kulmiye oo uu horkacaayey mudane Jamac  Barre Cilmi oo kamid ahaa aasaasayaashii xisbul xaakimka Kulmiye, Xildhibaan Abwaan Jaamac riyo Abdi Aziiz iyo Maxamed Cusman Daahir, garab kamida ururkii Dalsan ee doorashadii deegaankii ku hadhay oo uu hogaaminayay Mudane Abdiraxman Xaaji Nuur iyo (Sanwayne) iyo Xasan Yusuf Cumar.

Waxaa kale maanta kamid ahaa masuuliyiinta lasoo dhaweeyey garab culus oo ka mida ururkii Umadda oo uu hogaaminaayey xoghayihii guud ee urur siyaasadeedkii Umadda md. Naasir Badal Ismacil, Aden Cali Yoonis oo ahaa xubin ka mida golahii fulinta ee Umadda iyo agaasimihii hore, Dr Xuseen Ismacil (Dhiqle) oo ahaa gudoomiye ku xigeenkii Umadda, iyo Cabdiqani Ibrahim Salaf (kaptanka) oo ahaa gudoomiyihii gobalka M/jeex,

Masuuliyiintan maanta shalay xaflada loo laqabtay oo halkaas mid mid uga hadlay madashii lagu soo dhaweeyey ayaa iska daba maray inay u doorteen xisbiga cadaalada iyo daryeelka Ucid inay u arkayaan xisbiga kaliya ee wadanka isbadal dhaba ka samayn kara kana saari kara xaalada adag ee maamul xumo ee dalku maanta marayo iyo inay maskaxdooda farsamadooda maalkooda iyo muruqoodaba u huri doona xisbigan isla markaanay waxay ka codsadeen tageerayaashoodii in ay maanta laga bilaabo cududooda ku wareejiyeen xisbigan Ucid,

Abdiqani Salaf aya sheegay in xisbiga Ucid waxyaabaha uu ku doortay ay ka mid tahay inuu ka sharaxan yahay aqoon yahan Jamal Cali Xuseen oo ah nin ka ugu yar musharixiinta xilka madaxweynaha u tartami doonta isla markaana waxa uu inta raaciyey isagoo ka duulaya hadafkii gudoomiye eng Faysal Cali Waraabe ee aha in wadanka maruun isbadal dhaba laga hirgaliyo Isbadalkaas oo aan ahayn wax isku badal lakiin dalka horumar u horseedi doona inan maanta gacmaha isu qabsano sidaaan wadankeena uga badbaadin lahayn xaalada dalku marayo isla markaana udooran lahayn Jamaal Cali Xuseen,

Ugu danbayntii waxa xaflada ka hadlay Fadima SIciid, iyo musharaxa xisbiga Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo khudbad mugleh oo dhan walba taabanaysa madashii kasoo jeediyey waxaan xafladii kusoo xidhay khudbad dhaxal gala isla markaana mug iyo miisan leh gudoomiye eng Faysal Cali Waraabe, xisbiga Ucid aad iyo aad ayuu usoo dhawaynaya xubnaha kusoo biiray aadna waanu ugu mahadnaqaynaa dhamaantood.

 

wabillaahi towfiiq

 

Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga UCID

Yuusuf Keyse Cabdillaahi