Xukun qarqoshkii jiray qarniyo ka hor iyo xukunka Silaanyo,waa kanuhu manuhu.by M. M Duale.(Gadhane)

Xukun qarqoshkii jiray qarniyo ka hor iyo xukunka

Silaanyo,waa kanuhu manuhu.by M. M Duale.(Gadhane)

 

MAQAAL

Qalibka Bismillaahi raxmaani raxiim wabihi nastaciinu

 

Qarqoosh waxuu ahaa nin taliya oo qarniyadii hore ku noolaa Geeska Afrika .

Qisooyin badan oo cajiib ah iyuu lahaa oo aan laga dabaalan Karin hadii laysgu

in lagawada sheekeeyo. Qarqoosh, wuxuu ahaa nin umadu aad u jeclayd intii

aanu ku fadhiisan kursiga iyo boqortooyadiisa. Bulsho mala xumaysatay ayay

noqotay bulshadii uu xukumayay Qarqoosh sida ummadda reer somaliland u

mala xumaysatay dawlada Silaanjo. Waxuu ahaa geed ismariye isu ekaysiiya

hugaamiye cadaali ah oo daacad ah oo jecel horuumarka bulshada sidaasana

kursiga loogu calfay sidii Silaanyo oo kale.

 

Markii kursiga uu isku hubsaday ayuu noqday sida qalibka ah nin lasoobaxa

sawirkiisa dhabtaha, wax waliba asal koodii bay ku noqdan. Qarqoosh waxa uu

xukumaa oo dhami waxaay u dhici jireen cadalad daro. Waxaan jecelahay in

aan xusuusiyo bulshada Somaliland siddii uu wax u xukumi jiray hugaamiye

Qarqoosh.Waayo xukun walba iyo dhacdo walba waxaa ka hadha cibrooyin.

Bulshaday u taal inay isu cabiran oo kala soo baxan xikmada ku jirta xukunkan

Silaanyo ee bulshada Somaliland ku habsaday iyo xukun qarqooshka geeska ku

habsaday qarniyadii hore sida ay isushabahaan. Waxaan leeyahay waa

KANUHU MANUHU.

 

Malin malmaha ka mid ah ayaa nin muduci a u yimi waxuu ku yidh, boqor nin

baan ceel isugu nimi wuu ii xoog sheegtay oo wuu ii diiday in aan ka cabo

ceelka umada ka dhexeeyay nabaradaana wuu igadhsiiyey. Dameer baan watey

oo aan rabey in aan ceelka ka waraabiyo dameerkiina dabadii ayuu ka jaray.

Marka waxuu iga galay denbiyo badan 1-aniga nabaradan ayuu i gadhsiiyey, 2-

ceelkii umadu lahayd wuu ii diiday in aan ka cabo, 3-Dameer kaygiina dabada

ayuu jary.

 

Qarqoosh ninkii la dacweeyey ayuu u yeedhay. Waxuu waydiiyay madigaa

falkan galay?. Waxuu yidhi anigaa galay waan khaldamay waayo waxaan

moodayey in uu u shaqeeyo nimankan shuftada ah ee ka soo horjeeda

xukunkaagan Qarqoosh, boqorow halay cafiyo ayuu yidhi dambiilihii. Qarqoosh

waxuu yidhi xukunka go’aankiisa berito ayaad maqlidoon taan.

M. M Duale (Gaadhane), Birmingham UK Page 1

 

 

Xukun Qarqoosh: Halay dhagaysto! waxaan ridayaa xukun Qarqoosh!

Meeyay ninkii falkan geystay ee dabada jary dameerka. Waxuu yidhi boqor

xadir, waan jooga. Waxuu yidhi dameerka ka xayso oo haayso inta dabadu u

soo baxayso. Malinta dabadu u soo baxdona waxaad u soo celisaa ninkan

muduciga ah oo ah kii lahaa dameerka. Mudada aad haysona inkastaba ha

gadho e waad mana facadsan karta oo rarankartaa. Deg deg haloo fuliyo waa

xukun Qarqoosh, dubihii bu miiski ku dhuftay. Kiisku wuu xidhan yahay!

 

Malin malmaha ka mid ah nin muduci ah ayaa u yimi waxuu ku yidhi boqor

wiil yar oo aan dhalay oo sadex malmood jiray ayaa nin ordaya ganaca iskaga

tagay dabadeedna wuu dhintay. Qarqoosh ninkii la dacweeyey ayuu u yeedhay

waxuu waydiiyey madigaa galay falkan? Waxuu ku jawaabay aniga galay.

Sababtoo ah ninkii shuftada ahaa ee ka soo horjeeday xukunkan Qarqoosh ee

hebel,baa mindi igu bacsanayey oo aan ka cararayey. Aqalkii wiilku joogay

baan soo galay aniga oo cararaaya. Kadibna wiilkii baan isku taagay wuuna

dhintay.

 

Xukun Qarqoosh: Waxuu yidhi oday Qarqoosh, halays dhegaysto waxaan

ridaya xukun qarqoosh! ninkii dhegaysan waaya dhego dhaadheer oo uu wax ku

dhegaysto baan u samayn. Meeyay ninkii falkan geeystay,waxuu yidhi xadir

boqor waan jooga gabdhan aad ilmaheeda dishay kaxayso. Waqti kastaba ha

gaadhe, malinta ay kuu dhasho inan,ayaay kaa soo wareegaysa iyada iyo

inankuba oo aad ku soo wareejinaysa muducigan soo dacwoday ee inanka yari

ka dhintay ee dhibanaa ah. Gabadhuna yanay kaa soo caban deg deg halo fuliyo

waa xukun qarqoosh! dubihii ayuu miiska ku dhuftay kiiskiina waa xidhmay.

Hadhow baay macaaradkan xunxuni odhanayaan isagu waxba ma xukumo ee

cid kale baa naxukunta oo aay masakiintan ii shaqeeya iyo xaaskaygaba dusha

ka saarayan waxaas oo lib ah. Miyaanu cadaalad la yaqaan kiiskani u dhicin.

Yaanan maqlin qarqooshcadaali maaha!

 

Malin malmaha ka mid ah ayaa nin dacwoonaya u yimi oday Qarqoosh, waxuu

ku yidhi boqor nin tuug ah ayaa walalkay raqabada ka jebiyey, kadibna wuu

dhintay walalkay. Sidii cadadu u ahyd ninkii la dacweeyey ayuu u yeedhay

waxuuna ku yidhi madiga falkan geeystay aniga geeystay buu ugu jawabay.

Sababtoo ah guri baan u dhacay oo tuug baan ahaa ninkii guriga lahaa baa igu

kacay. Daaqad baan ka booday guriguna fooq buu ahaa nin hoos taagnaa fooqa

baan ku dhacay kabacdi raqabadii buu ka jabay wuuna dhintay.

 

 

Xukun Qarqoosh: Meeyay ninkii walalkii dhintay!. Boqor xadir. Sifiican ii

dhegayso. Tuugan walalka raqabada ka jebiyey waxaan taagayaa halkii

walaalka tagnaa. adiguna halkii uu kaga soo boday kaga soo bood si aad qoorta

M. M Duale (Gaadhane), Birmingham UK Page 2

 

uga jebisid tuugan wallaalka qorta ka jebiyey ee nacaska ah. Ninkii baa yaabay

oo afka gacanta saray waxuu ku yidhi oo haddii aan ku soo bodo oo qortii jabi

weeydo ka waran boqor. Waxuu ku yidhi inta qorta aad ka jebinaysid sidaas

baad ugu soo bood boodaysa inkastaba ha gadho. Hadana waxuu yidhi oo boqor

haddii aniga wax i gadhan ama aan qoortaba ka jabo sidii walalkay uga jabay ka

waran. Boqorkii intuu durtaba cadhoday buu yidhi waxuu hadal badana ma

macaaradkii xunxumaa ayaa ka dhex hadlaya dee nolashaan kugu aasaya.

Dubihii buu ku dhuftay miiska; kiiskaasina wuu idhaafay sifiicana wuu u

dhacay oo cadalad kusalaysan.

 

waxaaynu wada ogsoonahay xukunkaa Qarqoosh dadbaa ku noola, mudo badan

bayna maaraynayeen sidii aay isaga tuuri lahaayeen. Dunidana wuu ka jira mid

kasoo kale ahi. Waxaa loobahanyahay sii loomaarayn lahaa. Somalilandna

maanta xukunkan ka taagani waxba kama gedisna Xukun Qarqoosh.waana

karbaash mina laahi ah. LAAYA QAYARU LAAHU MA BIQOWMIN

XATAA YAQAYARUU MA BI’AN FUSIHIM.

 

 

M. M Duale (Gaadhane), Birmingham UK Page 3