Xukuumada Somaliya oo baaq u dirtay Odayaasha Dhaqanka iyo Siyaasiyiinta ku sugan Magaalada Baydhabo (Akhriso)

image

Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya waxay baaq u direysaa Hogaamiyayaasha Dhaqanka iyo Siyaasiyiinta hormuudka u ah wadahadallada iyo wada tashiyada ka socda Magaalada Baydhabo.

Xukuumadaan, ayaa waxay dhinacyadaan u dirtay baaq ka kooban 3 qodobo, iyadoona kaga digtay in ay iska horimaad u horseedaan bulshada Deegaanka.

Baaqa Xukuumada

1-In la dhowro deganaanshaha iyo xasilloonida guud, lagana fogaado wax kasta oo keeni kara iska horimaad bulshadeena dhexdeeda;

2-Sidii horey laysku afgartay, waa in fursad la siiyo sidii loo ballaarin lahaa, loona sii wadi lahaa wada tashiyada iyo is-fahamka si geedi socodku u noqdo mid guuleysta;

3-Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay mar walba dhiirri-galineysaa isla markaana fududeyneysaa inay sameysmaan Maamul Goboleedyo ku dhisma habraaca Dastuurka Federaalka iyo Shuruucda dalka.

DHAMAAD