gudoomiye ku xigeenka dumarka UCID

Salaasa, February 11, 2014 Hargeysa(SM)-Gudoomiye Ku Xigeenka Garabka Haweenka ee Xisbiga Cadaallada Iyo Daryeelka Somaliland (UCID) ayaa si adag unaqdiday hadalo lagu durayay gudoomiyaha xisbiga.

Dheegaw Booda dheeridaa xageed Faysal ugu booday

 

Aniga oo ah Gudoomiye ku xigeenka Garabka Haweenka ee heer Qaran ee Xisbiga Ucid Xukun Ali Dahir, waxaan jeclahay inaan halkan uga jawaabo xildhibaan guurtida ka tirsan Xildhibaan Dheeg Yassin Maxamed oo af lagaado ka dhan ah u gaysatay  Gudoomiyaha xisbiga  Ucid Md Faysal Ali Waraabe.

 

Waxaan ku sheegayaa shakhsiyada Faysal Ali waraabe  oo aan kuu sifaynayaa, Faysal waa nin muwaadin dhab ah oo ay ka dhabtahay wax u qabadka, kor u qaadida, hagaajinta iyo toosinta JSL.

Maaha nin ku si foobay inuu dhaco xoolaha agoonta kuna tacadiyo maatida masaakiinta ah ee uu uu ehelka u yahay sidaada oo kale,

Faysal waa Tabantaabiye, tusmeeye, taliye, hagaajiye taageera danyarta, waxan u qabta Dhalinyarada dhalinyarada aan is ka bixin Karin Fee-ga Jaamacadaha, mana ku bixiyo halagugu Amaano iyo halagaa abaal mariyo toona, ee waa wax uu xaga Ilaahay Dhigtay, wanaagiisa oo an halkan ku soo koobi Karin.

 

Faysal maaha mid ku sifoobay kitaabka Ilaahay badh Rumeeyay badhna ka tagay sidaada oo kale, markaa waxa ba kugu taagaalimaayee uma qalantid inaad inaad Faysal wax ka sheegto ama aflagaadayso.

Waar Miyaad Ilawday agoontii ilma Yousuf aw Cismaan labadii baloodh ee aad Soddonka Sanadood ku ashkataynaysay Ilaa dawladii Siyaad Barre Duubcasta iyo Millatariga u keenaysay sidii oo ay dambi galeen oo ay dambiilayaal yahiin, Agoontaas oo aad adeer u ahayd marna xildhibaan u ahayd, marna aad ahayd ninkii wax u goyn lahaa ee ay igmadeen ilaa heer aad ka gaadhay in laguu xukumo oo aad sidaa ku cunto xoolaha Agoonta.

Waxaan ku waydiiyay Sodonkii kun ee lagaa siistay labadii baloodh ee agoonta maku baahi  beeshay meel makuu buuxiyeen, hadii aan sii wado taariikhda madaw ee aad leedahay shaadka aad xidhantahay xidhnaan maysid.

 

Waxaan ku leeyahy aniga oo kamida beeshii ku soo dooratay ee aad magacooda meesha ku joogto ee reer Sheekh Hassan yare, waxaan ku soo gunaandayaa

“ Allahayow Muxuu Faranjigii

Nacas Fariideeyay

Faydal laawe iyo nin raga

Muxuu fayl u wada joojay

Nimaan Fuuli jirin Aabihii

Faras muxuu saaray”.

Halkan Riix oo Ka Daawo Videoga 

Wakhtigii Ingiriisku Dalka haysaty ee nin walba martabada uu taaganyahay joogi jiray ayaa badhasaabkii dalka haysatay waxa uu yidhi Maygaag Samatar markaasuu ugu jawaabay xaadir  markaasuu hadan Yidhi Col u Joog Qayaad, markaasuu ugu jawaabay waar sarkaalku booda dheeraa, waxaan leeyahay dheegaw Booda dheeridaa xageed faysal ugu booday.