Baaq Ku Wajahan Muranka Iyo Ismarinwaaga Ka Dhex Jira Golaha Wakiilada Somaliland.

BAAQ

 

 

 

 

 

 

Taageerayaasha xisbiga WADDANI laanta Ottawa waxay soo jeedinayaan

in dalka iyo dadka reer Somaliland labaduba u baahan yihiin in loo tudho,

lana dhawro deggaanshaha dalka,loona baahnayn qas iyo qallaanqal dalka ka

dhaca, kaasi oo ayna ummaddu ka soo waaqsan Karin haddii u dhaco,sidaa

darteed waxan marlabaad soo jeedinaynaa in golaha wakiiladu noqdo gole

waxqabad iyo wadashaqeyneed kuna sifoobaan arrimahan hoos ku xusan:

1. Golaha wakiilada Somaliland wixii khaliaaf ah dhexdooda ha ka

dhammaystaan,hana isku tanaasulaan, hana istixgeliyaan,wadajirna

dalka ha ugu shaqeeyaan.

2. Golaha wakiilada Somaliland ha muujiyaan biseyl siyaasadeed.

3. Golaha wakiilada Somaliland ha ka horeysiiyaan danta dalka iyo

dadka dantood gaar ahaaneed.

4. Golaha wakiilka Somaliland ha ka foojignaadaan ku millanka golaha

xukuumadda.

5. Golaha wakiilada ha ka tagaan shaqo dhaxal gal ah oo ku dayasho leh.

Sidoo kale waxan golaha xukuumadda u soo jeedinaynaa in ay ka

waantoobaan arrimahan foosha xun ee ay faraha kula jirto:

1. Golaha xukuumaddu ha ka waantoobo faragelinta joogta ah ee ay ku

hayaan golaha wakiilada.

2. Golaha xukuumadda ha ka waantoobo u adeegsiga hantida ummadda

kala-qeybinta xubnaha golaha wakiilada.

3. Golaha xukuumadda ha ka waantoobo xadhiga,cabudhinta,

cagajugleynta, iyo xaalad abuurka ay ku hayso ummadda SL.

4. Golaha xukuumadda ha ka waantoobo hantida xad dhaafka ah ee loo

adeegsanayo qeybinta ummadda.

 

 

 

Allaa Mahad leh,

Gudida xisbiga WADDANI

Laanta Ottawa

Xoghayaha: Eng.Mohamed Abdillahi Nur

Afhayeenka : Mohamed Abdi Haji Ali