7 Guuradii ka soo Wareegtey Doorashaii 2aad ee Madaxweyne Maxamed Ibraahim Cigaal

7 Guuradii ka soo Wareegtey Doorashaii 2aad ee Madaxweyne Maxamed Ibraahim Cigaal 23/02/1997

 (Shir Beeleedkii u Dambeeyey)

 

Qaybtii 1aad

001 (11)

Waxay  ku beeganayd Maanta oo kale 23/02/1997 markii  Madaxweyne Cigaal dib loogu doortay Shirweynihii Saddexaad ee Beelaha Somaliland ku Qabsadeen magaalada Hargeysa  hadaynu dib ugu yara noqono Xusuusta maalmahaas ,  waxaa  shirweynahaas  lagu dooranayey Madaxweyne iyo Maxdaxwyne ku Xigeen, Gole Baarlamaan iyo Gole Guurti, oo lagu doortay Hab beeleed, Dastuurka oo aan jirin awgeed,

Hadaba waxaynu si guud mar ah halkan ugaga waramaynaa wixii Shirwaynaha u qabsoomay mudadii uu socdey oo ahayd dhamaadkii 1996 ilaa bilawgii 1997,

 

1)      Turxaan bixinta iyo Nabadaynta Beelaha Somaliland

2)      Kordhinta Xubanaha Golaha Guurtida iyo Wakiilada

3)      Bedelida Calanka Somaliland iyo Axdi Qarameedkii Boorame

4)      Samaynta Shuruudaha Lagu Dooranayo Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka

5)      Xubnihii Isu Sharaxay Jagada Madaxweynaha

6)      Qabashada Doorasho Gacan taag ah

7)      Xidhitaanka Shirweynaha 3aad ee Beelaha somaliland

 

1. Turxaan bixinta iyo Nabadaynta Beelaha Somaliland

 

Waxaa la soo af jaray  Colaado  Sokeeye oo  Baahsan oo ay ku maqnaayeen Beelo waaweyn oo ah reer Somaliland,oo aan la’aantood Qaranimada Somaliland Taabo Gal Noqoteen taas oo ahayd  hawsha ugu culus ee meesha taaley. Iyo Tabashooyin ah xagga Saamiga beelaha iyo Xubnaha shirka Fadhiya, oo ay beelaha Qaar Soo jeediyeen in Shirka laga saaro maadaama oo aanay haysan kalsoonidii beeshooda,

 

2. Kordhinta Xubanaha Golaha Guurtida iyo Wakiilada

 

Sida uu Dhigayo Qodobka 10aad Xubintiisa 1 aad iyo Qodobka 11aad Xubintiisa 1aad waxa Golaha Guurtidu ka koobanaa 75 xubnood, Golaha wakiiladu la mid ayuu ahaa wuxuu ka koobnaa 75 xubnood, Gole kasta waxaa lagu daray 7 xubnood. Oo wuxuu noqday 82 xubnood.

 

3. Bedelida Calanka Somaliland iyo Axdi Qarameedkii Boorame

 

Sida ku cad Qodobka 1aad ee axdiga qaranka xarafkiisa (J) Calanka  jamhuuriyadda Somaliland waa Caddaan Dhexda ku leh Goobaabin doog ah oo ay ku qorantahay (Kelimatul-tawxiid)

Waxaa lagu bedeley Calanka Somaliland  ee ka  kooban saddexda midab waxaana madasha Dhexdeeda laga Qotomiyey.26/12/1996, waxaa ka qayb galay Dejinta Calankii Hore iyo Saarista Calanka Cusub Madaxweynihii Somaliland Maxamed X.Ibraahim Cigaal alle ha u Naxariisto, wuxuu yidhi anigu maan Samayn Calanka ee Waxaa Sameeyey jaaliyadda Reer Somaliland ee Dalka Kanada(Canada).

 

Dastuurka Somaliland

 

Dastuurka Samaliland waxaa Nuqul Sameeyey Khabiir Suudaani ah oo la odhan jirey Prof. Khaliil, Nuqul kalena  oo ka kooban 183  waxaa sameeyey Golaha wakiilada Somaliland  labadii nuqul ayaa la isku daray Khilaaf badan oo gaadhey gacan ka hadal ayaa ka dhacay sidaas ayaa lagu ansixiyey dastuur aan filayo in uu ka koobnaa 153 Qodob, oo aan hayn ka hadda aynu leenahay, waxaana wax ka bedel iyo kaabis lagu sameeyey sandkii 2000,  waxaana laga dhigay 130 Qodob isla sanadkaas  ayaa afti dadweyne loo qaaday, laguna ansxiyey,

Waxaa Xusid Mudan markii Gudida Dastuurka ee Golaha wakiiladu 2/03/1996 soo bandhigeen warbixinta Dastuurka in ay laba Garab u kala Jabeen oo ay yidhaahdeen dadweynaha ha laga saaro goobta warbixinta laga jeedinayo oo ahayd Xarunta Golaha wakiilada (Maxakamadda sare halka ay tahay iminka) waxaase diidey Gudoomiyihii Baarlamaanka Axmed Cabdi Xaabsade, waxaa Golaha Ka baxay Sagaal Mudane, waxaa bilaaabmay Sawaxan iyo Qaylo Gudoomiyaha ayaa Kacay. Axmed Cabdi xaabsade wuxuu yidhi Allahu Akbar ,Allahu Akbar, Umadda waxaan u sheegayaa Afar wiil oo Biidhi qaatayaal ahi in aanay is hortaagi Karin dastuurka Qaranka, Sidaas ayaa warbixintii Lagu akhriyey,

Lasoco ……

 

Qaybaha Dambe

 

Yusuf Mohamed Arish

E-mail: – yuusufarts@hotmail.com

Burao, Somaliland

Â