Abdirahman Y. Duaale (Boobe) wuxuu la mid yahay Gandi iyo Farah Omaar by Abdi Mustafe

boobe
Boobe waa nin u damqada bulshada iyo dalkaba oo qadarin weyn shicibku u hayo. Boobe waxa ka muuqata in uu yahay nin heerarkii Gandi iyo Farah Omar gaadh siisan oo jecel in wax waliba dariiqa toosan maraan. Boobe markii uu wasiirka warfaafinta ahaa weynnu ka wada dheregsanay in uu la jaan qaadi kari waayey xukuumad diktatori ah oo wasaaradaha aan wasiirku xukumin ee madaxtooyada laga siiyo amarada ay wax ku fulinayaan. Boobe dabeed isaga oo madaxweynaha ixtiraamaya ayuu ku yidhi intaan anigu is casili lahaa adigu madaxweyne ii soo dir waraaq aad xilka igaga qaadeyso ka dib markii faraha looga qaadi waayey in uu xukumo shaqaalihiisa. Wasiir ka fiican oo warfaafinta loo dhiibi karaa ma jiro oo Boobe isaga laftiisa ayaa ka macluumaad badan warfaafinta.
Abdirahman Yussuf Ducaale (Boobe) waxaan leeyey wareysiga aad siiso war baahinta waa mid loo baahanyey oo aad xogogaal u tahay wax yaaba badan oon shicibku fahansanayn. Maraa waaxid waad u hiilisaa shicibka JSL ee ka sii kordhi oo weliba aad dadku u tus wixii qaldan iyo wixii saxsan.
Warbaahinta waxaan xasuusinayaa in Boobe Yussuf Duaale ay aad wareystaan si uu bulshada uugu hiiliyo. Wadan walba rag noocana baa u kaca oo keligood dowladaha ka hortaga oo bulshada u bayaamiya xukunada khaldan ee dowladuhu ku kacaan oon xadhig iyo dil toona ka baqan sidii Gandi ama Farah Omar iyo qaar kaloo badan. Shicibku boobe aad bay u dhegeystaan marka la wareysto oo waa nin xikmad ku hadla afsomaligana hodan ku ah daacad na ka ah wuxuu tilmaamayo…. Wareysiga Boobe Bulshadu aad bay u xiiseysaa ee warbaahintu ha badiso …. Waa codsi dadweyne in Boobe Yussuf Ducaale fursada badan la siiyo oo lagu wareysto kolba halka xaal ka wadanku maraayo