Af-hayeenka Dhallinyarada Talo Iyo Towfiiq Oo Cali Warancadde Ugu Baaqay In Uu Is-Casilo

(SM-Hargeysa) – Af-hayeenka Dhallinyarada Habar Yoonis Xasan Axmed Xasan (Xasan Dhako) ayaa ka hadlay xadhigga Guddoomiyaha Guddiga Talo iyo Tawfiiq, fara-gelin uu sheegay in xukuumaddu ku hayso Golaha Wakiillada, sidoo kalena ugu baaqay wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland inuu is-casilo.

Af-hayeenka oo maanta la hadlay saxaafadda ayaa yidhi “Aniga oo ah Af-hayeenka Dhallinyarada Beelaha Habar Yoonis, waxa aan xukuumadda Somaliland ugu baaqayaa in Inta aan Gabbalku Dhicinna Xorriyaddiisa loo soo celiyo Guddoomiyaha guddiga nabad-taliska ah ee Talo iyo Tawfiiq Xasan Xuseen iyo xubnaha la xidhan ee ay Beelaha Habar Yoonis ku doorteen Shirkii Daallo, oo xalay saqdii dhexe jeelka loo taxaabay isaga oo aan waxba galabsan.

Xukuumadda waxa aan uga digayaa fara-galinta ay ku hayso golaha wakiillada, waxaanan leeyahay wixii halkaas ka yimaadda idinka ayaa qaadi doona masuuliyadeedda.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland waa nin adeerkay oo xil dawladda ka haya. Waxa aan leeyahay haddii aanad si madax bannaan u gudan karin xilkaaga shaqo oo hadba aad odhanayso maan ogayn xadhigga madax-dhaqameedka iyo siyaasiyiinta dalka magaca ku leh,  waa in aad iska casiho jagadii laguu igmaday , sidaas ayay sharaftaada iyo karaamadaadu ku jirtaa”

Salaanmedia/Hargaysa