AFGEMBIGII GUDOOMIYAHA BARLAMAANKA EE MADAXTOOYADU WADAY OO DHICISOOBAY.

Faysal
Waxaan halkan ka salaamayaa dhamaan akhristayaasha sharafta leh, waxaanaan ku salaamayaa salaanta Islaamaka ee ASALAAMU CALAYKUM,
Waxaan salaantaa mid la mid ah u dirayaa dhamaan Bahwaynta Reer waddani ee debadda iyo gudahaba joogta iyo intaa kale ee ku taageertay inay fashilaan afgembigii lagu damacsanaa in lagu afgembiyo gudoomiyaha Barlamaanka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan taas oo u dhiganta in la RIDO  rukun ka mid ah rukumaddii aynu u soo halganay
ee geedi socota dimuqraadiyada iyo axsaabta.
Waxaan halkan ka hambalyaynayaa GUDOOMIYAHA BARLAMAANKA, XILDHIBAANADDA XALAASHA AH,IYO GUDOOMIYAHA XISBIGA KULMIYE MUJAAHID MUSE BIXI CABDI oo isagu diiday inuu ka qayb qaato afgembigaas kana gaabsaday markuu arkay inay xaaladu dhiiqo gashay.
Waxaan mujaahidka iyo ragiisaba kula talin lahaa inuu tashado ilayn wuu arkaa halka xalkii KULMIYE ku danbeeyay oo laga talinayo guriga Saylici , iyo  taladii Xisbiga kulmiyena cida ay u gacan gashay oo ah Caruur iyo wax ma garato, waxaan mujaahidka leeyaya ku soo dhawoow WADDANIGA DHABTA AH.
Waxaynu ka war qabnaa in qoladii ku guul daraysatay Afgembigii Cabdiraxmaan inay saakaba kabaha u gashadeen sidii ay gudoomiyenimada uga tuuri lahaayen Mujaahid Muse Bixii Cabdi.
Waxaan halkan ka tacsi uga diriyaa INTII AQALKA SAYLICI KU SHIRI JIRTAY IYO MADAXTOOYADA guul darada ka soo gaadhay Afgembigii dhaqaalaha faraha badan ee qaranku lahaa ku baxday, wakhtigeedana waa la idnkala xisbaabtami doona taarikhduna way qoraysaa
Waxaynu warbaahinta ku argnay dadkii sarifka yari ka hadlinayay ee lahaa kursiga gudoomiyaha Barlamaanka Beel Heblaa iska lahayd ee gudoomiye Cabdiraxmaan khalad buu ugu fadhiyaa, kuwaas waxaan leeyahay waxaan moodayay inaynu halkaas ka gubnay oo aynu Xisbiyo u gudubnay ee haddii xaalku yahay [ IGAMA QUDHUNTO IGAMA GUBATO] Kuraastu way badantahay ee Saddexdaba badka ha la soo dhigo, shir beeldna dib ha loogu noqdo aynu halkaa sami qaybsi ku kala saxeexan
Madaxtooyada waxaan leeyahay  LOGTII JEENI DHAAFTAY oo dalkani manta khatar wayn baydun geliseen ee ILAAHAY IYO GUURTIDA baa bad baadiyay 
Sidana dalku ku socon maayo ee waa la xisaabtamayaa waxaana la idinka fadhiyaa xisaab,
1. waxaa la idinka fadhiyaa xisaabtii lacagtii Waddada Ceergaabo oo beysten besteyn shacabka u xisaabisaan, idinka saari mayso afar cagaf cagaf oo xeebta ku daxalaystay iyo laba iskarogo tona. wax qarsoon ma ah lacagtii  laga saaray Account ka Dahab shiil ee waddada Ceergaabo ee lagu gala afgembigii dhicisoobay.
2. waxaa la idinka fadhiyaa lacagtii cashurta waddooyinka inydun dadwaynaha bestayan besteyan u xisaabisaan
3. Waxaa la idinka fadhiyaa Lacagtii Dekadaha inaydun dadwaynaha bestayan bestetan u xisaabisaan
4. Waxaa la idinka fadhiyaa lacagtii Haamaha shidaalka inaydun dadwaynaha besteyan besteyan u xisaabisaan
5.Waxaa la idinka fadhiyaa lacagtii laga qaato maxaabista budhcad badeedka ee ku dhacda Account ka Dubia inaydun dadwaynaha besteyan besteyan u xisaabisaan
6. Waxaa la idinka fadhiyaa lacagtii 2% cashuurta dalka loo saaray horumarinta gobolada Bari inaydun dadwaynaha besteyan besteyan u xisaabisaan, iyo inta kale ku xeroota madaxtooyada ee laga war qabo.
Dhamaan lacagahaas oo dhami waxay si toos ah ugu xeroodan Wasaarada Madaxtooyada oo ay dheer tahay Misaaniyada Wasaaradda Madaxtooyada oo ka badan 7 wasaaradood, Waxaa ayaan darro ah wasaaradda madaxtooyada oo intaas oo lacagah iyo mucaawada dalka lagu caawiyo ku xeroodan oo aanay jirin cid la xisaabtamta ee sida ay doonto ugu takri falto, taas oo halis ah inay dalka khalkhal geliso siddii arintii ka dhacday barlamaanka.
waxaa ayaan darro ah Somaliland oo muddo 23 sanadood dawlad ahayd in inan yar oo caqligiisa ayunu arkaynay oo ahaa inaankii lahaa SANKA AYAA CAANNO LAGA KEENI inaynu masuuliyada intaa leeg ee dhaqaale gacanta u gelino oo aan xisaab celin lahayn, ALLOW SAHAL AMUURAHA.
Nin aanu saaxib nahay baa I waydiiyay oo yidhi waydinkii isku ficnaa qolada REER AWDAL ee ka waran manta?
Waxaan ugu jawaabay kolay sidaa ay Xildhibaanadoodi yeeleen maan yeeleen, lakin arinta SOOYAALKA TAARIKHDA U DAA,
ee miyaanad  arag raga  Reer saaxil  ee uu hogaaminayo  ABTIGAY SICIID CLIMI ROOBLE  ee la mari waayay.
waxaan halkan mar labaad ka hambalyanayaa Geesiyaasha iyaku aan marna ka gabanin xaqa iyo cadaalada.
1. Xldhibaan Ina cali koore
2. Xildhibaan Baar saciid
3. Xildhibaan Tukaale
4. Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble
5. Xildhibaan Mataan
6. Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde
7.Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile
8.Xildhibaan Riyte
9.Xildhibaan Obaama
10. Xidhibaan Ibraahim Mahdi Buuba
11.Xildhibaan xoog
iyo xildhbaanad ku bahoobay danta guud ee loo yaqaano XILDHIBAANADA XALAASHA AH.
LA SOCO MAQAALKA KALE EE CINWAANKIISA LA YIDHAAHDO
MA WAXAYNU RAJO KA SUGAYNAA
ALLA MAHAD LEH
Faisal farafidiye
Waddaniga dhabta ah