AFHAYEENKA XISBIGA WADDANI UK OO U HAMBALYEEYEY GARABKA ARDAYDA JAAMACADAHA EE KU SOO BIIRAY XISBIGA WADDANI.

AFHAYEENKA XISBIGA WADDANI UK OO U HAMBALYEEYEY GARABKA ARDAYDA JAAMACADAHA EE KU SOO BIIRAY XISBIGA WADDANI. 

Daawo Muqaal:Warsaxaafadeed ay wada jir usoo sareen labada xisbi ee UCID IYO WADDANI..London

Anigoo ku hadlaya magaca Hogaanka, Xubnaha iyo Taageerayaasha Xisbiga Waddani Laantiisa UK, Waxaan hambalyo aan la soo koobi karin aan haljan uga dirayaa, Dhamaanba Dhalinyarada Aqoonyahanada ah ee ka kooban Wiilashii iyo Gabdhihii Jaamacadaheena ahaana Aqoonyahanadeenii iyo Madaxdeenii Berrito ee ku  Ku soo biiray Xisbiga Waddani, Waxaan idin leeyahay ” TALO IDINMA SEEGIN”. 

Ku biiridan ay maanta ku soo biireen Ardayda ka kala socda 10ka Jaamacadood ee ugu waaweyn Wadankeena S/ land, taageeradoodii Cod, Cudud iyo Cilmi-na ugu  biiriyeen Xisbiga Waddani waxay tusaale cad u tahay Aaminida iyo ku kalsoonaanta qorshaha siyaasadeed ee Xisbiga Waddani, oon laga murmi karin inuu yahay “HOGAANKII BERRITO”. Hadii Allaha Awooda Lihi Ogolaado.

Shaki kuma jiro in Xukuumada Kulmiye ku tacadiday rajadii Aqoonyahanada, Dhalinyarada iyo dhamaanba shacabkii shalay doortay ee Xilka u dhiibay, kuwaasoo filayey in isbedel ay ku diirsadaani iman doono balse waxay la kulmeeni noqotay “LA MOOD NOQONSE WEYDAY”. 

Xisbiga Waddani waxuu ugu bushaaraynayaa Aqoonyahanada iyo Dhalinyaradaba inay u samayn doonaan Qorshe cad oo ay TAHRIIBKA KULMIYE kaga nastaan. Hadaba balanteenu waa: 
1) Doorashada oon laga ogolaanin in Taliskan Rafadka ahi maalin qudha ku darsado.
2) Inagoo u codeyna Xisbiga Waddaniga ah ee Waddani. 

Illahay baa mahad leh. 

Afhayeenka Xisbiga Waddani UK 
Qasim A Saleebaan 
kasslmn@aol.com