Al Shabaab oo banaanbax weyn ku qabatay Degmada Buulo Burde (Daawo Sawirada)

Ururka Al Shabaab ee ka arrimiya Degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan, ayaa waxay maanta iskusoo bax ballaaran ay ka dhigeen Degmada Buulo Burde.

Dadweyne fara badan oo dadka reer Buulo Burde ah, ayaa isugu soo baxay Wadooyinka Degmadaasi, iyagoona isugu yimid Fagaaraha Degmadaasi, oo ay kula hadleen taageera-yaasha Al Shabaab.

Dagaal-yahanada Ururka Al Shabaab, ayaa la arkaayay iyagoo dhexda kaga jira dadkii isugu soo baxay banaan baxaasi, waxayna ku qaylinayeen ereyo ka dhan ah Ciidamada Militariga ee Itoobiya.

Haweenka taageersan Ururka Al Shabaab oo si diiran kaga muuqanaayay banaanbaxa, ayaa waxay wateen qoryo iyo bistoolado, iyagoo markaasi muujinaaya sida ay diyaarka ugu yihiin la dagaalanka Ciidamada Itoobiya.

Saraakiisha Al Shabaab oo la hadlay dadka isugu soo baxay banaanbaxa, ayaa waxay ugu yeereen in ay ka caawiyaan la dagaalanka Ciidamada Itoobiya, oo xilligaan huwan magaca Amisom.

Shabaabka maysan jecleysan ka mid noqoshada Ciidanka Itoobiya ee Hawlgalka Midowga Afrika ee Amisom, oo Dowladda ka taageeraaya la dagaalanka Ururkaasi iyo xasiloonida dalka.