Al Shabaab oo maanta Degmada Buurdhuubo ka mamnuucay teleefanada casriga ah ee Smart Phone loo yaqaano

Maamulka Ururka Al Shabaab ee ka arrimiya Degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo, ayaa waxay maanta si buuxdo ay kaga mamnuuceen teleefanada casriga ah ee loogu yeero Smartphone. Degmada Buurdhuubo oo qiyaastii 40km u jirta Xarunta Gobolka Gedo ee Magaalada Garbahaarey, ayaa waxaan horey saamayn ugu yeelan Deegaanada Ururka Al Shabaab ka arrimiyaan, ee laga mamnuucay teleefanada casriga ah. Madaxa Zakaawaadka Ururka Al Shabaab ee Degmada Buurdhuubo Jaamac C/laahi Aw Aadan, ayaa wuxuu maanta uu ku dhawaaqay in Degmada Buurdhuubo, uu mamnuuc ka yahay teleefanada gacanta ee casriga ah. Jaamac C/laahi, ayaa Salaaddii Jimcaha kadib ee maanta ka hadlay Masjid Jaamaca Degmada Buurdhuubo, wuxuuna sheegay in dadka iyo ganacsatada reer Buurdhuubo, ay kaga diggayaan ka ganacsiga iyo isticmaalka teleefanada loo yaqaano Smartphone. Sarkaalkaan, ayaa waxa uu ganacsatada ugu baaqay haddii ay hayaan moobeeladaan, in ay u iib geeyaan meelaha ka baxsan Degmada Buurdhuubo, sidoo kalana ay shacabka muddo 15 maalmood ku bedeleen teleefanadooda, waa kuwa heysta teleefanada nooca casriga loogu yeero. Mar uu ka hadlaayay teleefanada ay isticmaali karaan dadka Deegaanka, ayaa waxa uu sheegay in ay u ogol yihiin adeegsiga teleefanadii hore ee nookiyaha (Nokia), Soomaaliduna ay u garaneyso qoslaaye iyo tooshlaha. Shabaabka oo uu xilligaan gulufyo waaweyn kaga soo wajahan yahay Ciidamada Dowladda iyo Amisom, ayaa waxay wadaan tallaabooyin ay ku caburinayaan dadka ku dhaqan, goobaha ay ka arrimiyaan.

Salaanmedia/Mogdisho