Al-shabaab Oo Sheegatay Qarax Ismiidaamin Ah Oo Maanta Ka Dhacay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

alshabab344

(SM-Muqdisho) – Qarax Ismiidaamin ah ayaa maanta ka dhacay afaafka hore ee Madaarka diyaaradaha Aaden Cadde ee Magaalada Muqdisho, waxaana lagu soo waramayaa inay halkaasi ku dhinteen ilaa shan askari oo ilaalo u ahaa saraakiil caddaan ah oo qaraxa lala beegsaday. Waxa la sheegay in gaadhi walxaha qarxa laga soo buuxiyey isla-markaana uu watay Ruux Naftii hore ah, bartilmaameedkiisu ahaa gaadiid ay wateen.

Saraakiil qaramada midoobay ka tirsan oo kasoo baxay xarun ee ay ku lahaayeen meel ku dhaw Garoonka Aadan Cadde. Gaadiidka qaramada midoobay ee qaraxa lagu weeraray waxaa saarnaa sida aan wararka ku helnay haweeneyda Madaxda ka ah Hay’adda UNHCR Somalia oo lagu Magacaabo Alesandara iyo shaqaale kale oo caddaan ah, balse gaadhiga oo ahaa nooca aanay rasaastu Karin awgeed, wax khasaare ahi kama soo gaadhin ajaanibkaasi.

Inkasta oo idaacadda Andulus ee kooxda Al-shabaab baahisay inay qaraxaasi ku dileen saraakiil caddaan ah.

Salaanmedia/Mogdisho