Al Shabaab oo sheegatay weerarka maqaaxida Muqdisho, kuna goodisay in ay weeraro kale geysan doonto

SHABAAB 1

Ururka mayalka adag ee Al Shabaab, ayaa ku faanay in ay iyagu ka dambeeyeen weerarkii ismiidaaminta ahaa, ee maanta ruxay maqaaxida ku taala wadada KM-0 ee Degmada C/casiis ee Gobolka Banaadir.

Ururka Al Shabaab, ayaa sheegay in weerarkaan ay la beegsadeen Saraakiil ka tirsan Hay’adda Nabad Suggida, isla-markaana ay qaarajiyeen Saraakiil sar sare oo Nabad Suggida ahaa.

Bogga ku hadla afka Shabaabka, ayaa xaqiijiyay in Ururka Al Shabaab ay fuliyeen weerarkaan, oo la ogyahay in ay ku dhinteen 12 ruux, iyadoo sideed kalana ay ku dhaawacmeen.

Dadka ku hoobtay weerarkaan, ayaa waxay 10 ka mid ah ay yihiin dad rayid ah, halka labada kalana ay ka tirsan yihiin Nabad Suggida, iyadoo uu mid ka mid ahaa Sarkaal.

Bogga Shabaab oo soo xiganaaya nin Sarkaal ah, ayaa waxa uu ku hanjabay in ay sii wadi doonaan weerarada ay ka geysanayaan Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Dagaal-yahanada Shabaabka, ayaa muddooyinkaan dambe la sheegay in ay ku soo badanayaan Magaalada Muqdisho, ayna xoojiyeen weerarada abaabulan ee ay ka geysanayaan.

Dr. C/weli Sheekh Axmed Maxamed, Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federalka ee Somaliya, ayaa waxa uu Shabaabku ku eedeeyay in ay beegsanayaan goobaha ay bulshadu isugu timaado.

Salaanmedia/Mogdisho