Al-Shabaab oo sheegtay masuuliyada dilkii loo geystay Taliyihii Nabadsugida Kismaayo Ciise Kaambooni

image

Ururka Al-Shabaab ayaa waxa ay sheegteen dilkii loo geystay Taliyihii ciidamada Nabadsugida Maamulka KMG ee Jubba oo xalay lagu dilay Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubbadda hoose.

Sarkaal ka tirsan xafiiska Warfaafinta Al-Shabaab ayaa usheegay warbaahinta Shabaab inay iyaga ka dambeeyeen dilka Ciise Kaambooni taliyihii ciidamada Nabadsugida Magaalada Kismaayo oo xalay rag hubaysan ay dileen.

Sarkaalka ka tirsan Al-Shabaab ayaa sheegay in Ciise Kaambooni iyo xubno kamid ahaa ilaaladiisa ay ku dileen Kismaayo, sidoo kalena ay gacanta ku dhigeen mid kamid ah ciidamada ilaalada u ahaa Ciise Kaambooni oo ahaa Taliyihii ciidamada Nabadsugida Magaalada Kismaayo.

Raga dilay Taliyihii ciidamada Nabadsugida Magaalada Kismaayo ayaa wadada ugalay,kadibna waxa ay rasaas huwiyeen gaadhigii uu watay Ciise Kaambooni, halkaasi oo uu ku geeriyooday, sidoo kalena qaar kamid ah ilaaladiisa ayaa la geeriyooday.

Meydka Ciise Kaambooni ayaa xalay waxaa la geeyay Madaxtooyada Magaalada Kismaayo, waxaana xalay hawada laga saaray Isgaarsiinta Magaalada, iyadoo howlgalo culus ciidanka ay sameeyeen.

30-kii bishii September ee sanadkii tagey, ayaa Ciise Kambooni loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Nabad Suggida ee Maamulka Kmg ah ee Jubba.

Ciise Kambooni, ayaa lagu soo magacaabay Wareegto uu soo saaray Hogaamiyaha Maamulka Jubba Sheekh Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe”.

Sarkaalkaan ayaa kamid ahaa raga sida aadka ah ay isugu dhaw yihiin Axmed Madoobe oo jabhadeyn kala duwan ay isla soo mareen, sidoo kalena ay kawada tirsanaan jireen Ururkii bur-buray ee Xisbul Islaam.

Salaanmedia/Mogdisho