Al-Shabaab: Somalia sedex dowladood oo cadow ah ayaa kala qeybsaday

Al-Shabaab: Somalia sedex dowladood oo cadow ah ayaa kala qeybsaday

February 1, 2014

alshabab344

Ururka Alshabaab ee dagaalka kula jira ciidamada dowlada Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM ayaa sheegay in dalka Soomaaliya la kala qeybsaday ayna u dagaalamayaan sidii ay usoo celin lahaayeen.

Gudoomiyaha Alshabaab ee Shabeelaha Hoose Sheikh Maxamed Abuu Cabdalla ayaa sheegay in dowladaha ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya ay kala qeybsadeeen dalka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in ciidamada Kenya ay qabsadeen Jubbooyinka, ciidamada Ethiopia ay ku duleen Bay,Bako0l iyo Gedo, halka ciidamada Burundi iyo Uganda ay qabsadeen Banaadir iyo Shabeelooyinka, sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu kale cadeeyay in marhore la qabsaday maamulada Puntland iyo Somaliland, isagoo cadeeyay inay dagaalamayaan.

Sheekh Maxamed Abuu Cabdala, ayaa shacabka Soomaaliyeed wuxuu ugu baaqay inay qaataan hubka oo ay iska dhiciyaan ciidamada shisheeye ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya.

Salaanmedia/Mogdisho