“Annigu Waxaan Arkaa Burburka Somaliland In Xukuumaddu Dad Badan Ka Hor Joogto, Waayo Rag Axsaabta Mucaaradka Ah-Baa…” Wareysi Gaar Ah: Suldaan Maxamed C/Qaadir

(SM) Suldaanka Guud ee Somaliland, Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa si adag uga hadlay Muranka shir-guddoonka Golaha Wakiilada ee kala qaybiyey Mudanayaasha golahaasi, waxaanu sheegay in cidda mushkiladda wadaa tahay cid Somaliland burburkeeda doonays

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, waxa uu Wargaysyada Somaliland u sheegay inay jiraan dad badan oo xukuumaddu ka hor joogto burburinta Somaliland, kuwaasina ay ku jiraan dad ka mid ah Golaha Wakiilada oo Soomaaliya u shaqeeya.

Suldaanka oo shalay u waramay Waayaa sidoo kale sheegay in kursiga Golaha Baarlamaanka ee Guddoomiye Cirro ku dagaalamayo aanay beesha Isaaqba xaq u lahayn, balse uu yahay Kursi Harti xaq u leeyahay.

“Dadka dalka kharibayaa waa cid innagu wadda Koonfur, waxan oo mu’aamaraad ahi waa burburka Somaliland oo ragna ku talinayaan, ragna ka hor joogaan, Annigu waxaan arkaa burburka Somaliland in xukuumaddu dad badan ka hor joogto, waayo rag siyaasiyiin ah ama axsaabta Mucaaradka ah, ha ahaato’e ragbaa koonfur ugu jira Baarlamaanka dalkeenna, oo kurkana Somaliland ka ah, qalbigana Soomaaliya ka ah, markaa Baarlamaanku gudihiisa ha is baadho, ragga sidaa u dhaqmayana waxaan qabaa inay yihiin rag mabda’ kale inaga leh oo wixii aynu qabsanay doonaya inay baa’biiyaan, laakiin waxaan leeyahay Hangaraarac lug uma dhutiyo”

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, oo ka hadlaya muranka shir-guddoonka golaha Wakiilada iyo taariikhda ku xidhiidhsan heshiiskii beelaha Somaliland ee Borama ayaa yidhi “Baarlamaanka Somaliland xeer iyo shuruuc ayuu ku dhisan yahay, hadduu sharcigiisa ka talaabsado shacabkuba way qaban, Guddoomiye-na kaligii ma taagnaan karo, baalal uu ku duulo waa inuu yeeshaa, kursiganna (Guddoomiyaha Golaha Wakiilada) markii horeba qalad buu inoogu yimid, heshiiskii Borama wuxuu ahaa Baarlamaankana inay yeeshaa qolada Harti, Golaha Guurtida Isaaqu yeeshaan, Madaxwayne ku xigeenkana beesha Samaroon, Madaxwaynuhuna Isaaqa ku dhex meero, laakiin baryahan dambe Golihii Baarlamaanka, Guurtida iyo Golaha xukuumadda Isaaq-baa isku saamiyeeyay, taasina waa arrin fool xumo keenaysa, oo dadkii innala lahaa dawladnimada haddaad meesha ka saarto wax hagaagsan maaha”

 

Suldaan Maxamed, kale oo uu tilmaamay “Goluhu dib ha isugu noqdo, waayo kursiga Baarlamaanka marna waxa ku fadhiyey Xaabsade, marna Qaybe, laakiin annigu waxaaban garan la’yahay doorkan waxa goradda inoo galiyey”ayuu yidhi,

“Golaha Baarlamaanka waxaan leeyahay waar ragga Xamar u jooga ee idinku jira iska baadha idinku, waayo golahan waxa ku jira rag Koonfur u socda oo la shaqeynaya, had iyo jeer waxa khilaafka wadaa waa kuwaa, intaas oo sanadood ayuu goluhu soo dhisnaaye ma waxa iga dhaadhici karta isma oga gudahooda..?, annagii dibada ka joognay ayaa wax oge, waar dib isku habeeya ayaan leeyahay, oo ummada ka daaya jahawareerka”