Aqalka Zeilic, Xirsi, Amina Weris,Zamzam iyo Morgan by Abdi Mustafe

MAQAAL
Waxa maal mahan danbe soo baxay oon hore cidi wax u weydiin jirin Madaxweyne ku xigeenka Zeilici oo gurigiisu noqdey halkii sunta lagu soo karinayey. Isaga se la yaabi maayo oo intaa ayuuba shaqo ka dhiganayaa oo awal wax uu ku mashquulo ba muu hayn.
Dalku beelo ayuu ka koobanyey inta badana wax lagu qeybiyaa.
Caqliga diidaya waana wax laga xishoodaa in beesha Madaxweynuhu ka soo jeedo oo isla markaana heysata Guurtida in ay maantana damaacido kursiga golaha wakiilada.
Hadey ku guuleystaan laba mid uun baa dhacay. In dalka dagaal sokeeye ka bilaabmo oo nabad gelyadu khatar gasho oo sida xamar oo kala la noqdo
ama in dictaatooriyad aan dheg la qabto lahayni bilaabanto oo ka xun tii Siyaad Bare. Sidan wax u socdaan waxa cadaan ah in aanay Somaliland dani uugu jirin dadka qaska wadaana aanay dan ka lahayn ictiraaf iyo nabad gelo.
Waxa lawada ogyey in dalka ay xukunto Marwada Madaxweynuhu oo Silaanyo meesha ka baxsanyey caafimaad daro iyo da’ daraadeed. Hadaba Taladaa Amina Weris ee odhaneysa golaha wakiilada ha ka bilaabmo dabka dalka wada saameyn doono in la iska qabto ayaa waajib ah. Waxa xukunka kula weheliya Amina Weris koox dumara oo wasiirka Tacliinta Zamzam ay uugu tun weyntey, Morgan oo madaxtooyada la xidada iyo Xirsi oo meesha la xumeynaayo loo adeegsado
( Hit Man).
Reer Somaliland hadey dulmigan socda ee Amina Weris ka kow ka tahay yeelayaan maxay Afweyne kula dagaala mayeen ileyn sidan iminka dalku yahay baa alaf mara ka xun e.