AQOONYAHAN JAMAAL CALI XUSEEN OO KU TALIYAY IN GUDDI KA MADAXBANNAAN XUKUUMADDA LOO SAMMEEYO DHISMAHA WADADA CEERIGAABO”INTA NUSASAACAHA ARDAYDA LAGA QAADAY WASIIRADAN LANDCRUSSERAD 80.000$ WATAA HA XARAASHAAN

Daawo Muqaal:JAMAAL CALI HUSEIN OO BOOREMA KHUDBAD TAARIKHI AH KA JEEDIYAY KANA HADLAY CARUURTII YARYAREED EE SCHOOLKA LAGASOO DARERIYAY LAGUNA KHASBAY INAY MADAXWEYNE SIILANYO SOO DHAWEEYAAN. DAAWO.

Berbera(SM)-Musharax Jamaal Cali Xuseen ayaa maanta mar uuu ka hadlaayay barnaamijka lacagaha qaadhaanka ah lagaga ururinayo ardayda dugsiyada iyo qaabka maamul ee lacagtaasi Xukumadu maareyn doonto ayaa Waxa musharaxu eedeyn usoo jeediyay xukumada Xisbiga Kulmiye ee uu hogaamiyo Madaxweyne Axmed Siilanyo, eedahamaha uu musharaxu xukumada ujeediyay waxaanu yidhi”Horta Marka hore aduunka laguma arag dawlad wax dacaayadaysa been sheegta, anaguhorena waataanu ucadaynay ma diidanin dhiska wadada Ceerigaabo laakiin waxa aanu tilmaanay inta caruurta yaryar ee iskuulada shilamada nusasaacaha laga qaaday miyaanay ka haboonayn in wasiiradan Landcrusserada 80.000$Sideetanka kun ee dollar ah wataa in ay baabuurtaas iibiyaan oo wax kudarsadaan dhiska wadad ceerigaabo, dal yar oo faqiira baynu nahay oo masaakiina markaa  hadii aanay masuuliyiinta dawladu qaadhaanka bilabin waxba inoo socon maayaan laakiin hadsii ay dawladii sida jabhada ushaqayso oo iyadii ceebayn iyo buubuunin adeegsato dee meeshii waxba jirimaayaan anagu xisbi ahaan wada ceerigaabo waanu taageersanahay.

Lakiin waa in gudi madax banana loo sameeyaa oo loo daayaa oo waliba gudida laga dhigaa dadka reer Ceerigaabo ee dhibaatada wado xumadu iyaga sigaarka ah uhaysato si shilmada yaryar ee ay dadku qaadhaan ahaanta ubixinayaan ubadbadaan, xalay waxan arkaayay barnaamij Live aha toos ah oo kasocday tvga oo ay qlada dawladu is xayaysiinayaan iayaga oo aan waxba ka qaban wadadii ceerigaabo ee lacagta qaadhaanka ah lagu urursaday  waxa fiican in marka aad wax dhisto ama qabto in aad xadhiga kajarto oo aad soo bandhigto laakiin adigoon aan waxba qaban oo meel kasta dhagax dhigay hadaad qaadhankii yaraa ee muwaadiniinta iyo nusasaaca ah ardayda lagaga qaaday barnaamij Live ah ku gasho maxaad kordhisay xalay oo kaliya ayay 50.000$(konton kun oo dollar) livekii ku bixiyeen maxaa markaa wadadii gaadhaya anagu xisbi ahaan ma aaminsani in ay xukumada hadda joogtaa wadadaas Ceerigaabo dhisayso waxaananu u aragnaa kaabeyn siyaasdeed oo dadka lagu majar habaabinayo, xagee lagu arkay lacag aan cid haysa iyo cid xisaabinaysa aan la aqoon oo haddana lagu faanayo lacag baanu haynaa oo wadad ceerigaabo ku dhisaynaa,

 

Mar uu ka hadlaayay deeqaha ay haayadaha iyo wadamada jaarku soo bixiyaan ee xukumadu isku sawirto ayaa waxa uu yidhi”waxaad arkaysaa raashinkii bisha cas iyo hayaduhu keeneen oo ay Madaxtooyadii dalku leedahay anaga ayaa qeybinayna oo inta labaatan landcrusser la kaxasto lays daba yaaco, shiidaalka intaas oo landcrusser ku baxayaa ugu yaraan waa 3.000$ sadex kun oo dollare maa wadada ceerigaabo lagu daro qaadhaankeeda ama dadka masaakiinta ah la siiyo hadii meesha caqli shaqaynayaa jiro,

Mar uu Musharax Jamaal Cali Xuseen ka hadlaayay mudo kordhinta Madaxweynaha Somaliland ayaa waxa uu yidhi”Anagu xisbi ahaan ma ogolin mudo kordhin sababtoo ah maba jirto sabab jirta oo mudo kordhin loo sameeyaa haddi laysku dayana waa lagu hugoobayaa oo cid ka yeelaysaa majirto taas waxan leeyahay haku talagalina taas,

 

Guud ahaan shacabka reer berbera ayaa manta gacmo furan kusoo dhaweeyay Musharax aqooyahan Jamaal Cali Xuseen.

 Salaanmedia/Berbera