Baaq Ay Soo Saareen Guddiga Dan Iyo Duco Ee Beelweynta Ciise Muuse Oo Ku Wajahan Xukuumada Iyo Labada Gole

Feb 16, 2014 Hargeysa(SM) – Gudiga Dan iyo Duco ee beelweynta Ciise Muuse waxay Baaq Talo iyo Tusaale ah oo aad Mug weyn u soo jeedinayaan dhamaan gudiyada beelaha kale ee somaliland, Golaha Wakiilada ,golaha Guurtida iyo xakuumada Somaliland intaba.

Baaqaas waxay talahaan u soo jeedinayaan inay Golaha Wakiilada qaranku si hufan oo danta guud ee Somaliland ku jirto u maareeyaan khilaafka dhexdooda iyagoo u danaynaya dalka iyo dadkaba isla markaana ogsoon kuna shaqaynaaya dantii loo doortay dibna uga fiirsanayaa cidhib xumida iyo sharaf dhaca la soo gudboonaan doonta hadii laga waayo dantii loo doortay ee ay dhaarta wadareed ugu mareeen inay kaga shaqaynayaan horuumarinta dalka iyo dadkaba.034

Sidoo kale waxay kaloo Guurtida iyo odayaasha dhaqanka ku boorinayaan inaanay ku eegin xaaladaha kala duwan ee dalka soo wajahay ee kala ah xaga khilaafka golaha wakiilada, xaga nabdgelya darida ka soo cusboonaatay gobolada bariga oo baryahanba colaado is daba joog ahi ka soo baxayaan iyo inanay xukuumada kala gaban wixii talo iyo tusaala ah ee ay xaq ugu leeyiihin ee ay ku jirto danta guud ee jiritaanka dalka somaliland.

Gudiga Dan iyo Duco waxay kaloo xukumada madaxweyne Siilaanyo ugu baaqayaan inay si degdeg ah wax uga qabtaan xaladaha nabadgelyo daro ee isa soo taraaya kana soo ifbaxaya gobolada bariga Somaliland ee Sool iyo Sanaag bari,waxay kaloo talahaan u soo jeedinayaan inay Xukumadu ka joojiso faragelinta iyo fidnada ay kula dhex jirto golaha wakiilada oo laga yaabo inay fargelintaasi u soo jiido dalkan somaliland sumacd xumi iyo nabadgelyo daraan.

Guudahaan waxay talada iyo tusaalaha Gudiga Dan iyo Duco ku soo ururinaysaa inay dadweynaha reer somaliland si wada jir ah uga shaqayaan taaba gelinta nabada guud ee dalka isla markaana ka digtoonaadaan wixii wax u dhimaaya wada jirkooda iyo dhismaha qaranka somaliland.

Salaanmedia/Hargaysa