BBC DA IYO VOA DA OO ISKA DHAGA TIRTA GOONI ISUTAGA JAMHUURIYADA SOMALILAND

BBC DA IYO VOA DA OO ISKA DHAGA TIRTA GOONI ISUTAGA JAMHUURIYADA SOMALILAND

maqaal

Hadaynu wax iksa waydino habdhaqankee ayay ula dhaqmaan BBC da iyo VOA jamhuuriyada Somaliland.

Waxaan u kala qaadayaa

1.     Doodaha ay qabtaan side bay ula dhaqmaan Somaliland

2.     Markaay fikirka facebooka tahayna side bay ula dhaqmaan

3.     Somaliland dhacdada ka dhacdana side bay u buun buuniyaan

4.     Waxay inta badan yirahdaan maamulka Somaliland barigii hore se maxay ugu yeeri jireen

 

  • ·        Idea cadahan waxay sameyaan dood ay kaga hadlayaan somaliya intabadan waxayna xiriir la sameyaan dowlada federalka somaliya, maamulka puntland iyo  dowlada Somaliland,

Markaan in yar ka soo qaato maalma dhawayd waxaa laga doodayay waxbarashada sidii manhaj midaysan looga yeelan lahaa iyadoo lakulansiiyay madax ka tirsan Somaliland, dowlada Somalia iyo maamulka puntland taasoo  sharaf dhac ku ah in manhaj aan Somaliland shaqo ku lahayn doodeeda lala soo galo,

Waxaa kaloo dhacday dood uu daadihinayay haaruun macruuf sida ka muuqato iska dhaga tira qadiyada jamhuuriyada Somaliland oo yiraahda maamulka Somaliland iyo waxaa dooda ka qayb galaya maamul goboledka puntland iyo dowlada federaalka Somalia oo maalin dhawayd dood uu qabtay ay ka mid ahayd sida jaamacadaha loo midayn lahaa jaamacadii somaliyana horumarkeeda, dib udhiskeeda, iyo soo nolaynteeda iyo socodsiinteda looga doodi lahaa oo marka Somaliland laga hadlay aysan waxba ka galin oo ay Somaliland leedahay jaamacado horumaray.

 

  • ·        Markaynu ka hadalno fikirka ay ka dhiibtaan facebooka dadka reer Somaliland BBC waxay inta badan aysan soo qaadan fikirkii loogu talagalay inay sii dayaan shaqaalaha ka shaqeeyo BBC da oo ay inta badan soo qaataan kuwa xamar iyagoo markay sidayaan ilaa 4 fikir oo  xamar ah ay mid rer Somaliland ahna ku dhex daraan qaar kamid ah ay block gareeyeen inay fikir ka dhibtan ku sabsan Somaliland  oo ah mid ay ku diidan yihin fikirka ay qabaan shacabka reer Somaliland
  • ·        Dhacdooyinka markay ka hadlayaan waxay ka dhigaan mid aad iyo aad u xun oo buunbuuninta warar aan shacabka jeclaysan ay ka si dayan idacadaha sida arinkii ka dhacay burco,

Shacab mudahaaradsan oo ka cabanayay xukuumada ay ka dhigtay in laba reer ay isku dhaceen taana ay ka dhigayso inay ka xun yihin qaranimada iyo horumarka jamhuuriyada Somaliland si caalamka ay fakar kale uga qatan.

  • ·        waxay inta badan hadaladooda u egyahay inay diidan yihin inay ku dhawaqaan jamhuuriyada Somaliland oo ay yiraahdaan maamulka Somaliland ama Somaliland inkastoo barigii hore ay oran jireen jamhuuriyda lamagac baxday Somaliland se ay egaan heshisyada ay calamka la galayso jamhuriyada Somaliland

Hadaba hadaynu nahay jamhuuriyada Somaliland waxaynu lasoo noqonay dowladeenii 1991 maantana waxaynu taaganahay 2014

Intaa aynu soo dhisnaynay waxaynu ku talaabsanaynay horumar balaaran se ma arkaan horumarkaas iyo gooni isu taagaas shaqaalahan ka shaqeeya BBC, VOA oo inta badan yiraahda maamulka Somaliland mase arkaan sida shacabkan jamhuuriyada Somaliland ay ka taagan yihin somaliwayn,

Waxaan ka hayaa faysal cali waraabe oo malin dhawayd ka hadlayay BBC da waxaa hadaladiisa ka mid ahaa qolyahan Somali waynta waxay soo nolaynayaa cadowtinimadii la ilaaway oo meel walba ay jogaan xaqirayaan gooni isu taaga iyo xasuuqii loo gaystay shacabka jamhuuriyada Somaliland haday yihin kuwa madaxda ah iyo kuwa ka shaqeeya idaacadaha madaxa banana.

Guntii iyo gunaanadka anigoo ah musharaxa madaxwaynaha mustaqbalka waa inay ka waan tobaan labadan idaacadood sida khaldan ee ay ula dhaqmaan jamhuuriyada Somaliland hadii kale waa inuu wax ka qabtaa wasirka warfaafinta jamhuuriyada Somaliland

 

Dhammaantiin aad baad umahdasantihiin saxaafada madaxbanaan

Qalinkii|: Future president mohamed Osman

Email:awaadan5@gmail.com

Burao,Togdheer,somaliland

Â