Berberi wax go’ lagu qaado ka weyn baa hore loo yidhi iminkana tiiba taagan oo hamaha iyo dekadu wax jeeb lagu shubto ka weyn.

Berberi wax go’ lagu qaado ka weyn baa hore loo yidhi iminkana tiiba taagan oo hamaha iyo dekadu wax jeeb lagu shubto ka weyn.
MAQAAL
Wax-yaabaha  aad u cajiibka le ee dalka ka socda ee dhaqaale ururis ah waxa ka mida haamihii iyo dekedii Berbera oo labadaba loo qoondeeyey in shirkado ajanibi ah laga kireeyo.  Labaduba si fiican bay u shaqeeyaan oo reer Somaliland baa maamusha xaqna u le. Hadaba dekeda waxa la diyaariyey in 30 sanadood sharkad tuuga ah oo dalal kale oo dictatoro xukamaan ka hawl gasha lagu wareejiyo. Hamaha oo todoba company oo Somaliyeed shidaalka u keenaan na waxa lagu wareejinayaa shirkad ingiriis ah. Sababta keliya oo Somalilanders ka loo cuna qabateynayaa waxa weeye si lacag buuran Silaanyo iyo wasiiradiisa gaar ka ihi uuga qaataan heshiiska ay la gelayaan iyagoo oon ku kalsooneyn in xukuumadan aan dib loo soo dooranayn.
Waa jariimad ( Crime against Somalilanders ) in hawlo ay maamuli karaan ajanebi lagu wareejiyo. Xukuumadu waxay ku faantaa dhagax baannu meel dhignay iyo wax baannu qabanay, waxa ka daran dhibaatada ay dalka kaga tegayaan iyo hanti boobka ay ku hayaan ee ay sidii ayaxa ku degeen.
Wareejinta haamaha iyo dekeda iyo wixii kale ee la mida waxa lagaga hor tegi karaa in sidii horeba loo sameeyey markii shirkadaha patrool ku wadanka ka baxeen mid walba qoraal dadka qurbaha joogaa u diraan ay uuga digayaan in aan waxba ka shaqeyn doonin heshiiska ay xukuumadan sii dhacaysa la gelayaan.
Xukuumadu dadka iyo ilaahayba ha ka xishooto oo faraha ha uuga qaado maamulka hamaha iyo dekeda somalilanders ka gacanta ku haya. Aduunka kama dhacdo shaqo muwaadin qaban karo in ajanebi kale la siiyo.