Cabdi Aw Daahir Iyo Warancadde Labo Aan Wasiirnimo Ka Korin

Salaan qaaliya ayaan halkan uga dirayaa hawlwadeenada shabakadan iyo dhamaan Reer Somaliland

 MAQAAL
Waxaa shalay la sheegayey in ay hotel Maansuur ku qadaynayn xoolaha ummada xildhibaanada sida xaaraanta maqdaca u dilaala cododka shacabka soo doortay
Waxaana kulankaas ku wehelinayey xildhibaanadan ama xubnahan dilaaliinta ah dhawr wasiir oo uu horkacayo Wasiir ma ka gudbe Cabdi Aw Daahir. Intii ay Somaliland dowlada ahayed laga bilaabo 1991 Cabdi Aw Daahir kamuu maqnayn wasiirnimo dowlad kasta oo timaadana waa loo magacaabaa xil wasiirnimo.
Hadaba waa kuwama Cabdi Aw Daahir. Ina Aw Daahir oo aad marmarka qaarkood arkayso dad ugu yeedhaya dhaktar ama doctor Cabdi Aw Daahir haatana ah wasiirka wasaarada xoolaha, horaantii 1991 Cabdi Aw Daahir magaalada Burco ee gobolka Togdheer ayuu mindiyo daxalaystay ku qali jiray dadka masaakiinta ah ee aan awoodin dhakhtar rasmi ah, Cabdi Aw Daahir oo aan la hubin halka uu ka keensaday shahaadadan caafimaadka ee uu ku shaqaysan jiray si sharci darro ah. Dhawr dumar oo umulo u badan ayaa ku dhiig baxay kuna dhintay masuuliyad darroda Cabdi Aw Daahir dumarkaas mid ka mid ah si fiican baan u aqaanaa qoyskeeda AUN.
Cabdi Aw Daahir ayaa isagu xirfadii mindiyaha daxalaystay uga wareegay mid kale balse aan ka fogayn dhiig miirato, sanadihii colaadaha sokeeye ayaa fursad qaaliya siiyey Cabdi Aw Daahir in uu ka faaidaysto colaadahaas iskana dhigo oday nabdeed dhexdhexaad ah taasaana u fududaysay in uu u yeedho odayga uu abtiga u ahaa ee AUN Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo isagu xiligaas dagaal ba’an kula jiray beesha Cabdi Aw Daahir ka soo jeedo, Cabdi Aw Daahir halkaas buu salaanka siyaasada ka soo koray, dowladii Daahir Riyaale iyana sidaa si leeg buu ka helay soo dhaweyn iyo xil joogto ah marka laga reebo mar uu isyarada qaaday oo is yidhi iska dhex sharax xisbiga Udub Dhexdiisa taas oo la tusay awoodiisa laguna qasbay in uu iska aamino xilkan uu bilaashka ku helay ee wasiirnimo, dowladan hada jirta iyaduna sidaa si leeg bay ugu miistay Cabdi Aw Daahir oo ay u magacawday wasiirka xanaanada xoolaha oo aan ku taagnayn micno badan oo aan aheyn shaqo abuuris siyaasigan ma koraha lagu maslaxayo si ay dowladu ugu shaqaysato una adeegsato kala qaybinta iyo isku dirka beesha uu ka soo jeedo haatana u adeegsanayso inqilaabka ku waajahan Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Cirro
La soco qaybta dambe oo aynu ku soo qaadayno siyaasiga kale ee ku caanbaxay wasiirnimo waa wasiirka arrimaha gudaha Warancadde
Allah Weyn Ninkii Aaminaa Awood Leh