CANBARAYN “XILDHIBAANADA CAANAHA RIYAHA”& DIFAAC GOLAHA WAKIILADDA.

CANBARAYN “XILDHIBAANADA CAANAHA RIYAHA”&  DIFAAC GOLAHA WAKIILADDA.

 ALi photo
Anagoo ka mid ah  Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan Canada, waxaanu canbaaraynaa Xildhibaanada  Caanaha Riyaha. Waxa kale oo aanu ugu   baaqayna shacabka  Somaliland    inay difacaaan  karaamadda  iyo sharfta Golaha Wakiiladda  ay codkooda  kusoo doorteen. Waxa ayaan daro ah in qaadhaankii   laga uruuriyay danayrta , ardayda, iyo qurba joogta ee loogu talo galay horumarinta wadooyinka ,  loo adeegsado  burburinta  nidaamka  duwaliga ah  ee ka hana qaaday Somaliland.  Shacabka Somaliland, waxay  arkaayaan xad gudubka iyo tacadiga lagu hayo Saxaafadda Xorta ah, Axsaabta   Qaranka  , iyo Golaha  Wakeeladda.  Waxaanu ku boorinaynaa shacabka  inay ka digtonadaan colaada iyo khal-khalka  siyaasadeed ee Xukuumadda Siilaanyo  hurinayso  si ay u korod-sato waqtigeeda  gabaabsiga ah.
 
Waa bliaahi towfeeq.
 
Ali Ibrahim “ Baqdaadi “, Toronto.