Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowlada Soomaaliya oo maanta Xarakada Al-Shabaab kala wareegay Deegaano dhoor ah

image

Wararka ka imaanaya Gobolka Bakool ayaa sheegaya in Ciidamada Itoobiya ee dhawaan ku biiray howlgalka AMISOM iyo kuwa Dowlada Soomaaliya oo iskaashanaya maanta Al-Shabaab kala wareegeen Deegaano dhoor ah oo kuyaala Gobolka Bakool.

Deegaanada Maanta ay la wareegeen Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowlada ayaa waxaa horey gacanta ugu hayay Xarakada AL-Shabaab oo maanta baneeysay kadib markii ka war heleen duulaano kusoo wajahnaa sida uu sheegay Maxamed Macalin Gudoomiyaha Degmada Xudur ee Gobolka Bakool.

Gudoomiyaha Degmada Xydur ayaa xusay in Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah AMISOM iyo kuwa Dowlada Soomaaliya ay maanta la wareegeen Deegaano dhoor ah oo u dhaxeeya Degmooyinka Ceel Barde iyo Xudur.

Maxamed Macalin Gudoomiyaha Degmada Xudur ayaa ku goodiyay in Howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo sii socon doono ilaa laga sarao guud ahaan Gobolka Bakool, waxa uuna tilmaamay Gudoomiyaha in waqtiyada soo aadan gaari doonaan Degmada Xudur ee Caasimada Gobolka Bakool.

Degmada Xudur waxaa gacanta ku haya Xarakada AL-Shabaab , waxaana horey usoo baxayay in Saraakiil katirsan AL-Shabaab ka baxeen degmadaasi kadib markii ka war heleen in Duulaan lagu soo yahay.

Xarakada Al-Shabaab Saraakiishooda ayaan wali ka hadlin Deegaanada Maanta la sheegay in gacantooda uu ka baxay lana wareegeen Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowlada Soomaaliya oo iskaashanaya.

Salaanmedia/Mogdisho