Ciidamada Puntland iyo Xoogaga Shabaab oo markale ku wada dagaalamay Buuraleyda Galgala

alshabab344

Ciidanka Maamulka Puntland ee ku sugan Deegaanka Sugure ee duleedka Magaalada Boosaaso, ayaa waxay maanta weerar xoogan kala kulmeen Xoogaga Shabaab ee Buuraleyda Galgala.

Ciidanka Ururka Al Shabaab, ayaa weerar xagga dhulka ah ku ekeeyay Ciidanka Puntland ee daafacyada ku leh Deegaanka Sugure, oo qiyaastii 40km u jirta Xarunta Gobolka Bari ee Magaalada Boosaaso.

Taliyaha Ciidanka aagga Sugure Jaamac Saciid Warsame (Afgaduud), ayaa waxa uu sheegay in Ciidanka Shabaab ee ku sugan Buuraha Galgala, ay saakay ku soo qaadeen sida uu hadalka u dhigay weerarkaan.

Taliyaha, ayaa intaa raaciyay in ay iska caabiyeen, ayna u geysteen khasaaro, isagoo xusay in uu indhahiisa ku arkay meydadka laba ka mid ah, Xoogagii Shabaabka ee soo weeraray.

Jaamac Saciid Warsame oo galabta la hadlay laanta afka Somaliga ee VOA, ayaa dhankooda sheegay in weerarkaan ay kaga dhaawacmeen oo kaliya laba askari, oo dhaawacyadoodu la gaarsiiyay Isbitaalka Boosaaso.

Dhanka kale Ururka Al Shabaab ee ka dagaalama Buuraleyda dhirirsan ee Golis, ayaan wax war ah ka soo saarin weerarkii ugu dambeeyay, ee ay ka geysteen aagga Sugure oo ka tirsan Buuraha Galgala.

25-kii bishii Janaayo maalin kadib markii la caleemo saaray Madaxweynaha Puntland, ayay ahayd markii Ciidanka Puntland ay weerar ballaaran ku qaadeen Shabaabka Buuraleyda Galgala.

Salaanmedia/Mogdisho