Cuqaasha Beesha Arab Oo Ka Hadlay Khilaafka Ka Dhex Jira Shirgudoonka Wakiilada, Talooyina Usoo Jeediyay Gudoomiye Cirro

Cuqaasha Beesha Arab Oo Ka Hadlay Khilaafka Ka Dhex Jira Shirgudoonka Wakiilada, Talooyina Usoo Jeediyay Gudoomiye Cirro

Feb 13, 2014 Hargeysa(SM) – Qaar ka mid ah Cuqaasha Beesha Arab ayaa shirgudoonka golaha wakiilada ugu baaqay inay xaliyaan khilaafaadkooda, isla markaasna inta wakhtiga uga dhiman ay u wada shaqeeyaan sidii hore ay ugu wada shayn jireen.

Waxa ay cuqaashani ku eedeeyeen guddoomiye Cabdiraxman Ciro ugu baaqeen inuu ka laabto awooda uu dhimay ee labadiisa ku xigeen sida ay hadalka u dhigeen.waxaanay sidan ku sheegeen cuqaashu iyaga oo warbaahinta la hadlaayay.
sa
Ugu horayntii Jiif Caaqil Cabdi Aadan Cabdilaahi oo halkaas ka hadlay waxa hadaladiisa ka mid ahaa“Waxyaabaha ka socda golaha walkiilada mudooyinkan danbe oo ah wax laga yaqyaqsoodo oo aan la dhagaysan karayn,cidiba sida ay doonto ayay nasiib wanaag uga hadlaysaa arintaas, odayaasha qaarkood ayaa yidhaahda dawlad ayaa wax ka danbaysa iyo guri wasiir ayaa lagu shiray, waxii aynu isku ogayn oo ahaa nabada iyo wada jirka Somaliland halgu sugnaado.Guddoomiyaha golaha wakliilada Cabdiraxmaan Ciro oo ah maanta masuuliyinteena una socda madaxweyne inuu dalka ka noqdo,ninka leh guri ayaa lagu shirayow miyaanad ogayn digtaatooriyada guddoomiye Ciro ee labadii gudddoomiye lugahayga ha fadhiisteen ee uu go’aamiyay kuna dhaqmay,miyay kaa qarsoontahay go’aanka uu yidhi anigana 55 cod ayaa I ridi kara iyagana 42 cod,waxaanu u aragnaa labadaas qodob gaf aan meesha qaban oo aan golaha dhexdiisana qaban guddoomiye ku xigeenadana aan qaban,mid meesha qabatana maaha,waxaanu leenahay halagu noqdo wanaaga iyo wixii jiray iyo sidii la ahaa iyo waxii golaha loogu talo galay ee dadku ku ogaa ee ahaa sinaanta iyo wada jirka.”
Caaqil Xuseen Colaad Jaamac ayaa isaguna waxa uu halkaas ka yidhi“waxaan ku leeyahay Cabdiraxmaan Ciro ha ka marti tagin inta xil ee aad isku hayso qiimaha ay leeyihiin.”

Ugu danbayntii Jiif caaqil Shucayb Cabdi Jaamac ayaa si waayeelnimo ah ula hadlay shirgudoonka golaha wakiilada, waxaanu ugu baaqay inay xaliyaan khilaafkooda,waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Golaha wakiilada baryahanba guux ayaa ka jiray saddexdii sano ee ay xukuumaddani jirtayna wax khilaaf ah kama jirin imika horteed, waxaan markaas leeyahay guddoomiyaha golaha walkiilada sidii aad u waday golaha saddexdii sano ee hore adigaa ka masuul ah golihiiye,waxaan leeyahay oo kale labadii ku xigeen halkoodii halagu soo celiyo adigana yaan waxba cod laguu qaadin oo inta idiinka hadhay wakhtiga yar ku wad arimaha si wacan,isku tanaasula oo labada ku xigeena halkoodii halagu celiyo.”

Salaanmedia/ Hargeysa
Geeska