DAAWO Barnaamij Gaar Ah Oo Lagu Soo Bandhigay Sababaha Dowlada Maraykanka Iyo Beesha Caalamku Ay Dhabarka Ugu Jeediyeen Dowlada Somaliya

DAAWO Barnaamij Gaar Ah Oo Lagu Soo Bandhigay Sababaha Dowlada Maraykanka Iyo Beesha Caalamku Ay Dhabarka Ugu Jeediyeen Dowlada Somaliya

Fab 22,2014 London(SM)-Dowlada Maraykanka ayaa waxaa gaabisay xiirirki ay la lahayd Dowlada Somalia ka dib markii Muqaabaraadka Maraykanka ay ku edeyeen Madaxweynaha Somalia in uu isku wareejiyay xubno loga shaki qabo in ay ka tirsan yihiin urur dimeedyada ka jira somalia.

Gudiyada Maraykanka u qabisalsan Sirdonka Qaranka iyo danaha Qarada Afrika uu maraykanku ka leeyahaya ayaaa intaba soo gudbiyay edeymo ay u jeedinayaan Madaxweynaha Somalia Xasan Sheikh Maxamuud.

Bishii Hore ayay ahayd Markii ninka ugu sareeya Sirdonka Maraykanka uu Aqalka Congress ka Maraykanka ka sheegay in Madaxweynaha Somalia u yahay shaqsi daciif ah.
Qodobada lagu haysto Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa waxaa ka mid ah dhiirigalinta Argagixisada sida arinka Xasan Dahir Aways oo uu wali ku dhagan yahay iyo Musuq maasuq lagu sameyay hantidii logu talo galay Ummada Soamliyeed.

Maraykanka ayaa waxaa uu ahaa Dowladii kowaad ee si hagar la,an ah u taagarta Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud islamarkana siisa Aqonsi aan horay lo siin dowladihii ka horeyay.

Warar hordhac ah oo ay helayso Shabakada Cadceed.com ayaa waxaay tibaxayaan in kulamo ay u socdaan Wadamada Yurup iyo Maraykanka kuwaas oo loga tashanayo xaalada Cusub ee Wadanka Somalia.

Ila wareedyo xog ogaal ah ayaa waxaay sheegayaan in Wadamadani ay sameyn doonan Qorshe Howleed Ama Roadmap kaas oo ka kooban 6 qodob fulintiisana lo gacan galin doono Raisalwasaraha Cusub ee Somalia Dr Abdiweli Sheikh oo ila iyo hada reer Galbeedku ay la dhacsan yihiin.

Salaanmedia/ London