Daawo Muqaal… gabadh Soomaaliyeed oo Maraykanku ka shakiyeen Baasaboorkeeda,laguna xanibay madaarka Canada.


Gabadh Somali ah haysatana dhalashada Dalka Canada ayaa sheegtay in Airportka lagasoo celiyay mar ay isku dayday in ay dhoofto. Sidoo kale Gabadhan ayaa loo sheegay in aysan ka bixi karin Dalka Canada, Waxayna Waraysi Ay Bixisay sheegtay tahay gabadh Soomaaliyeed haystana dhalasho Canadiyaan ah,wax ay qarinaysaana aanay jirin. Sida lagu sheegay warbixinta laanta Socdaalka Canadda waxa ay sheegeen in dawlada Maraykanka qaybta u qaabilsan Nabadgelyada madaarada ay sheegeen in qofkaas magacaa leh aanu dalka Canada ka dhoofi karin.

Waxa la baadhayaa arinkaa waxaana laga yabaa inuu qaato ilaa 2 bilood inta arinka lasoo xalinaayo.

Salaanmedia/London